Sool: Wasaaradda Caafimaadka Oo Ergooyinka Shirka Adhi-Cadeeye Ka Wacyigelinaysa Covid-19

0
523

Laascaanood (Dawan): Wefti ka socda wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay maamulka gobolka Sool iyo masuuliyiinta caafimaadka ee gobolkaasi.


Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta maamulka Sool ee Laascaanood ayaa lagu falan qeeyay arrimo khuseeya caafimaadka gaar ahaana khatarta caabuqa Coronavirus ee shirka nabadaynta beelaha Adhi-cadeeye.


Waxaana kulankaasi ka qayb galay isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool Dr. Maxamuud Khaliif Faarax, badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, agaasimaha cusbitaalka Laascaanood iyo masuuliyiinta bahda caafimaadka Sool.


Dr. Maxamuud Khaliif Faarax, isuduwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Sool oo hadal ka jeediyay kulankaasi ayaa sheegay in ay ka gobol ahaan si dhaw ula socdaan sidii looga digtoonaan lahaa halis ka dhalata shirka nabadaynta beelaha ee Adhi-cadeeye ka socda.


Waxaanu tilmaamay in maadaama oo shirkaasi ay ka qayb gelayaan boqolaal ergooyin ah, isla markaana uu weli guud ahaanba dalka ka jiro xanuunka Covid19-ka in loo baahan yahay sidii looga taxadiri lahaa in dadkaasi uu ki faafo xanuunkaasi.
Isuduwaha ayaa intaas raaciyay in ay shirka Adhi-cadeeye u dirayaan xubno kal-kaaliyeyaal caafimaad ah si ay u siiyaan tallooyin iyo wacyigelin la xidhiidha ka digtoonaanta Coronavorus ergoooyinka shirkaasi ka qayb gelaya.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo hadal ka jeediyay kkulankaasi ayaa sheegay in ay lagama maar-maan tahay in feejignaan iyo taxader dheeri ah laga yeeshay dhibaato caafimaad darro oo ka dhalata shirka nabadaynta beelaha ee Adhi-cadeeye.
Waxaanu sheegay in ay wwftiga ka wada hadleen in taxadar iyo feejignaan dheeraada la sameeyo,
Isla markaana la rakibo mashiinkii covid19-ka.
Badhasaabka oo kulankaasi ka warbixinayayna waxa uu yidhi, “Wefti ka socda wasaaradda Horumarinta Caafimaadka jamhuuriyadda Somaliland oo ku sugan xaarunta gobalka Sool ee Laascaanood, ayaanu kulan la qaadanay ka maamulka gobalka Sool ahaan iyo masuuliyiinta caafimaadka gobolka Sool”.
C/qani Jiidhe, oo faahfaahin ka bixinayay u jeedadda ugu muhiimsan ee kulankaasi waxa uu yidhi, “Kulankan oo lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa adeegyo gar-gaar caafimaad oo wasaaraddu ka samayn doonto gobolka Sool gaar ahaan deegaanadda Adhi-cadeeye oo ay iskugu yimaadeen ergooyin tiro badan xili ay jirto halista xanuunka Coronavirus”.


Geesta kale waxaa kulankaasi hadalo ka jeediyay saraakiisha ka socday wasaaradda caafimaadka Somaliland oo ka warbixiyay muhiimadda ay leedahay in laga digtoonaado halis caafimaad oo ka iman karta shirka nabadaynta beelaha ee Adhi-cadeeye oo ay ka qayb gelayaan ergooyin aad u fara badan.

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply