Gorfeynta Buugga Galalaati; Burburkii Jamhuuryaddii Soomaalida (1960-1991)

0
49

WQ; Cabdinaasir Axmed Abraham.

Buugga GALALAATI waxa qoray Xasan Cabdi Madar, waxa daabacday shirkadda Sagal-jet, tarmintii koowaad waxa la daabacay 2020, wuxuu ka kooban yahay 400 bog. “Waxa aan ahay qofka ugu caqliga badan noolaha, sababtuna waa garashada aan garanayo in aanan wax ba garanayn!” Baluuto.

Hab-xisaabeed haddaan u hadlo qoraha, waxa aan kaga aragti duwanahay 12 qodob,  6 qodob na waan kula socdaa.Walaw aanan bartan ku soo wada qaadan doonin qodobadaas. Hasayeehee, mar haddaan murtidaas gedaha weyn ee faylasuufka reer Galbeed laga guntay, ku furtay aan raaciyo erey aan afeef uga dhiganayo, tabyo-ogaalkayga tiro-beelka ah. Sidaas darteed, ayaan Rabbina magan uga ahay in uu iimahayga qoraal asturo, idinna haddaad tihiin akhristeyaashayda, ku taxan faallooyinka falayn-qaynta iyo gorfeynta iskugu jira ee aan baraha bulshada idin kula wadaago, waxa aan idiinka marti ahay,  in aad u dul-qaadataan surma-seegtooyinkayga dhigaal ee aad aragtaan.

Runtii haddii la yidhaa buug afar boqol oo bog ka kooban naqdigiisa ha lagu soo koobo laba waraaqood iyo badh noocoodu yahay “AfarA” way kakan tahay waana shaqo tacab badan u baahan. Qushiye saacado badan kaddib Alle waa igu guuleeyay.

Ereyga GALALAATI oo turunturro qumman sharraxiisa ugu dhow ee aan fahankayga saari lahaa yahay iyo sawirka jaldiga buugga oo ah nin isagu guri dhisan burburinaya halkaas isa-seeg ayaa iiga muuqda. Haddaan gudaha buugga sii akhriyayna waxa iiga soo baxday in qoruhu ninka jaldiga oogadiisa ku sawiran uga gol-lahaa Maxamed Siyaad Barre. Taasi waa fahankayga.

  1. Qoruhu wuxuu rumaysan yahay oo boggaga ugu horreeya ee buugga aad ka dhadhansan kartaa imaatinkii gumaystaha reer Galbeed dhulka Soomaalida yimid in aanay jirin ilbaxnimo, aqoon, garasho iyo nolol ugu horreysay Soomaalida. Taasi oo aan qof ahaan aad uga xumaaday.

Qoruhu wuxuu liidayaa idil ahaan ba wixii aan haysannay ee ka horreeyay gumaystaha, waxa aanu ku talax-tagayaa buunbuuninta wixii gumaystahu keenay, waxaas oo dhan ha igu taagnaadeene waxa wax wal oo kale ba igaga daran in uu qoruhu ku dhiiriday in uu buuggiisa ku xardho ereyo dulucdoodu tahay in xataa ceel biyoodyada Soomaalida uu gumayste kaalin weyn ku lahaa. Haddii xataa qof caddaan ahi buuggan qori lahaa ma qabo in uu ammaanta reer Galbeedka sidaas ugu fogaan lahaa. p. 9-13.

  1. Waxa aan aad iyo aad uga soo horjeedaa aragtida qoraha ee ku aaddan dagaalkii Soomaalida iyo itoobiya ee 1977 kaasi oo kun iyo kaw ilduuf uu ka samaynayo qoraal ahaan, waxa aanu asaraar gelinayaa kaalintii shisheeyuhu ku lahaa dagaalkaasi. Hasa yeeshee iyada jawaabteeda isku luri maayee waxa aan kaga gudbayaa magaca riwaadda la yidhaa; GALBEED WAA LA XORREEYEE, WAARSAA SE GAAGIXISAY!

III. Dunida qoraalka in aan caddaalad ku helno ayaan jeclaan lahaa, mar haddii Soomaali dunidii kale oo dhan caddaalad-darro la tiicayso. Sidaa darteed qoraha buuggan mudane Xasan Cabdi Madar iyo hal-abuur, aqoon-yahan iyo qalinley door ah oo beelaha Isaaq iyo Majeerteen ka soo jeeda ba inta badan qalinkoodu wuxuu la taraaraa caaddifad iyo nacayb ay Maxamed Siyaad Barre u qabaan.  Waxa aanan jeclahay in aan taariikhda Maxamed Siyaad Barre iyo dawladnimo ee Jamhuuriyaddii Soomaalidu iskaga keen milmin. Qofkii damca in uu taariikhda Maxamed Siyaad Barre wax ka qoro waxa u bannaan in uu qoro buugga noociisu yahay; taariikh nololleed” Autobiography”

  1. Qoruhu wuxuu qabaa aragtida ah in Soomaalidu yihiin dad isku af, isku dhaqan, isku diin iyo isku isir ah. Waa aragti aad luugu kala tagay, anigu se waxa aan qabaa in ay aragtidani tahay mid Carabtu maal-gelisay, waxa runta u dhaw aragtiinkayga in Soomaalidu aanay isku isir ahayn, isku dhaqan ahayn, isku caadooyin ahay, oo xataa aanay isku af ahayne ee uu jiro af la dulmo oo la yidhaa; May. Weli ismaynu weydiin maxaa wanaag ku jira in Soomaalidu isku isir ahaato? Anigu waxa aan u haystaa in quruxdu ku jirto innaga oo kala isir iyo af ba duwan in aan dawladnimo iyo nidaam inna kulmiya oo caddaaladdi sees u tahay samaysanno. Wanaag iyo qurux taas ka sarreeyaana ma jirto.
  2. Isir-qalaanqal” Identity Crises”

Ma qabo talo-xumada hoggaanka siyaasaddeed ee Soomaalida in ay door sidaas u shilis ku leedahay arrinta Isir-qalaanqalku. Sababtuna waa in ummado badan oo nidaam siyaasaddeed oo taabbo-gal noqday samaystay oo haddana innaga la siman madhmadowga xagga isirka innaga jira. Sidaas darteed, arrintan oo qoraaga buuggu ahmiyad dheeri ah siiyay anigu in ay aad muhiim ugu tahay hano-qaadka dawladnimo lama qabo.p. 73.

  1. Caddaaladda

Qodobka caddaaladda marka uu qoruhu ka warramo wuxuu ku furanayaa sheekadan gaaban, oo nooceedu yahay kuwa kutidhi-kuteenka lagu madadaasho loo sameeyay in buug cilmibaadhiseed taariikh ah lagu soo daraa waxa ay iila muuqataa meel-ka-dhac xag-jrnimada qoruhu horseedday. P. 151.

“Nin ay Maxamed Siyaad Barre saaxiibo ahaayeen ayaa u yimid oo ku yidhi: “Madaxweyne Wasiirka Batroolka ii magacow.”  Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku jawaabay; “Dalku ba shidaal ma lehee sideen kuugu magacaabaa wasiirka baatroolka?” Ninkii ayaa ku jawaabay; “Oo sowdiga wasiirka caddaaladda ba leh!”

VII. Dugsigii Tababarrada Ee Xalane

Barnaamijkii dugsiga xalane ee tababarrada oo aan qof ahaan aaminsanay in uu waddaniyadda iyo dhismaha xoogga qoran ee kaydka door weyn ku lahaa ayuu qoruhu isna ka asarrarayaa.

Amar dhacay haddaad Aaminaay, iga la ooyayso.

Ma og tahay abkay macallin bay, edge ku oodeene.

Ma og tahay arooryada horaan, orad bilaabaaye.

Ma og tahay anfacada aan cunaa, malaha iidaane.

Ma og tahay askari jaahilaan, amar ka qaataaye.

Ma og tahay waxaan eersadaa, odayga weeyaane. p.145.

VIII. Cayn-wareegga suugaanleyda buuggu cuskanayo maansooyinkooda.

Suugaanta uu qoruhu inta badan soo xiganayaa waxa ay u badan tahay suugaan hal-abuurka Isaaq tiriyay walaw ay jiraan kuwa kale oo taliskii Maxamed Siyaad lagu ammaanayay oo buuggu xusayo haddana habka uu soo qaadanayo iyo tafsiirka qoraha marka aad akhrido waxa aad dareemaysaa in uu la dhacsan yahay suugaantaa hal-abuurka Isaaq.

  1. Xigashooyinka buugga barnaamijyada waxa ka muuqda dheeli-tirnaan la’aan.

Buugta halkan ka muuqata iyo kuwa kale oo aan ka gaabsaday in aan bartan idin kula wada wadaago qoruhu wuxuu ku bartilmaameedsaday aragtida xag-jirnimo ee guud ahaan ama qaybo ka mid ah uga muuqata ee ku aaddan taariikhda Maxamed Siyaad Barre.

  • Halgan Iyo Hagardaamo.
  • Soomaaliya Maxay kala tirsanaysaa?
  • In Siyad barre’s Prison.
  • Askartii lagu laayay Garab-case; duleedka Jigjiga.
  • Sinnaantii la eeday.
  • Xasuus-reeb Hadraawi.
  • Soomaaliya Maxay kala Tirsanaysaa.
  • Soomaaliya, Qaranjabkii.
  • Tiirka Colaadda.
  • Dal dadwaayay iyo duni damiir beeshay.
  1. Waxa aan qoraha ku raacsanahay sida uu u sharraxay wixii dalka ka dhacay 1969 in uu ahaa; Afgami ee aanu ahayn kacaan.p. 33.
  2. Waan la qabaa aragtida qoraha ee ku aadan in xeerka qoysku ka mid aha ail-duufyadii ugu horreeyay ee uu taliskii Maxamed Siyaad barre sameeyay ka mid ahaa. P. 55. Sida oo kale dilkii toogasho ee culimada Jan. 18-19.1975 in uu isna ka mid ahaa bilawgii dildilaaca hoggaaminta Maxamed Siyaad Barre. P. 67.
  3. Hir-gelintii Farta Soomaaliga.

Sida wanaagsan ee qoruhu ugu ammaanay nidaamkii uu hoggaanka ka ahaa Maxamed Siyaad Barre hawl-qabadkii hir-gelinta farta, waan bogaadinayaa waxa aanu u dhigay dariiq cilmiyaysan. P. 138.

  1. Ololilhii horumarinta reer miyiga.

Tanna waa arrin kale qoruhu ku ammaanan yahay sida uu u soo soohay dhigaalka iyo xogaha xaggan ku duugan. P. 139.

  1. Aasaaska jaamacadda ummadda Soomaaliyeed”JUM” p. 141.

Jaamacaddan iyo waxtarkeedii iyo aasaaskeedii qoruhu si wanaagsan ayuu u dhigay waanu ku mahadsan yahay.

Ugu dambayn ammaano Alle ayaan ku soo af-meerayaa qormadaydan Gorfeynta buugga Galalaati.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here