Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Aas-qaran oo lagu sagootiyey Suldaan Cismaan Suldaan Cali

0
626

Madaxweynaha JSL, xubno kamida goleyaasha kala duwan ee qaranka, Madaxdhaqameed iyo dadweyne tiro badan ayaa ka qaybgalay, aas-qaran oo lagu sagootiyey Alle ha u naxariiste Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin 52 sannadood hayey Saldanada mid kamida Beellaha dega Somaliland.
Marxuumka, ayaa ku geeriyooday dalka Imaaraadka todobaadkii ina dhaafay, waxaana maydkiisa la keenay maanta magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Dadkii kale ee ka qaybgalay Aaska marxuumka ayaa ku tilmaamay Oday miisaan ku lahaa dalka oo ka baxay, waxaanay alle uga baryeen in uu Janada ka waraabiyo.

Kumuu Ahaa Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin?
Haddaba halkan waxaanu idiinku soo gudbinaynaa qormo kooban oo ku saabsan Taariikh nololedka Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin.
Illaahay ha u naxariistee Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin wuxuu ku dhashay magaalada berbera sanadkii 1942 . hooyadii magaceedu waa Qaali Barre Cilmi .

Suldaan Cismaan wuxuu waxbarashadiisii hoose iyo dhexe iyo sareba ku qaatay dalka iyo magaalada qaahira ee masar . kadib wuxuu waxbarashadiisii heerka jaamicadeed uu u tegay dalka mareykanka ,isagoo ku soo laabtay dalka horaantii sanadihii lixdamaadkii oo uu shaqo ka helay sharikado dhinaca batroolka ah .

Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin waxaa sanadkii 1968 loo caleemo saaray jagada suldaanka guud ee beelaha dega gobolka saaxil ee berbera iyo qaybo ka mid ah gobollada Togdheer iyo maroodi-jeex ee somaliland , kadib markii uu aabihii suldaan xaaji cali kooshin geeriyooday . inkastoo jagadaasi culus la saaray suldaan cismaan haddana wuu shaqeysanaayay oo marnaba kama tegin shaqadiisii .

Sandkii 1973 ayaa uu suldaan cismaan suldaan xaaji cali kooshin uu u haajiray dalka imaaraadka carabta kadib markii dowladii kacaanku la wareegtay dhammaan sharikadihii batroolka ee caalamiga ahaa ee uu ka shaqeynaayay , isla markaa shaqadii salaadiinta ay la wareegeen wixii loogu yeedhi jiray kaadirka kacaanka ee guulwadayaashu .

Wuxuu suldaan cismaan ka shaqo galay sharikado dhinaca batroolka ah oo degan dalka imaaraaka carabta ilaa muddo danbe oo uu hawlgab ka galay shaqadii . inkastoo uu deganaa dalka imaaraadka carabta suldaanku oo uu ku geeriyooday halkaasi
10 september 2020 haddana mar kasta wuu iman jiray somaliland oo uu ka warhayay bulshada ballaadhan ee uu suldaanka u ahaa mudada dheer ee 52 sanadood ahayd .

Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin waxa uu qayb weyn ka soo qaatay mucaawinooyin fara badnaa oo bulshada reer somaliland ee dibedu soo gaadhsiinayeen bulshadooda baahida u qabtay markii dalka somaliland dib loogu soo laabtay 1991 .

waxaa lagu sifeeyaa suldaan cismaan inuu ahaa suldaan aan ku milmin siyaasadda oo aan lagu arag fagaarayaasha goolaaftanka siyaasadeed ee qabiileysan ee badi ay ku caan yihiin madax-dhaqameedka soomaalidu .

Midig Wariye Axmed Siciid Cige, Bidix AHN Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin oo ah Odayga Koofiyada xidhan

Alla ha u naxariistee Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin wuxuu ifka kaga tegay xaaskiisa oo ah Xaawo Ibraahim Kooshin iyo siddeed caruur ah oo uu dhalay oo kala ah todoba hablood iyo hal wiil . wiilka keli ah ee uu dhalay ee Cali Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin waxaa uu dhaxlayaa jagadii aabihii baneeyay ee suldaanka guud ee beelaha Ciise Muuse .

Leave a Reply