Golaha Guurtidda Somaliland Oo Ka Dayriyay Xaaladda Deegaanka Somaliland

0
40

Golaha Guurtidda Somaliland Oo Ka Dayriyay Xaaladda iyo Dhibaatooyinka Haysta Deegaanka Somaliland.
Qaybtii 2aad…..

Qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRREA, waxaynu ku soo qaadan doonaa qaybtii labaad ee dood ay golaha Guurtidda Somaliland laba todobaad ka hor ka yeeshay muhiimadda deegaanka iyo sidii loo ilaalin lahaa.
Doodaasi xildhibaanadda oo ahayd mid aad u dheer, isla markaana ay mudaneyaashu si qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaysa oo ay ku falan qeeyeen dhibaatooyinka haysta deegaanka.
Taasoo qayb ka mid ahayd aan ku soo qaadanay qormadeenii laba todobaad ka hor.
Golaha Guurtidda Somaliland ayaa fadhigoodii Salaasadii todobaadkii hore ee 25-kii bishan August waxay dood adag ka yeesheen deegaanka iyo xaalada uu ku sugan yahay.
Waxaanu goluhu ka dayriyay dhul-daaqsimeedkii la wada laha oo sifo sharci-daro ah lagu ootay.
Waxaa kale oo mudanayaashu ka hadleen nabaad guurka ay degaanka ku hayso Bacdu,  iyaga oo tilmaamay in degaanku dhimanayo hadii aan wax laga qaban halista Bacda.
Dooda golaha guurtidu ka yeeshay degaanka oo ahayd mid aad u dheer, waxa ay mudaneyaashu siyaabo isku mida uga hadleen dhibaatadda deegaanka haysata.
Waxaanay xukuumadda ugu baaqay in wax laga qabto dhulka ka baxay gacanta dawlada ee sida sharci-darada dadku u kala sheegayaan, laga ootay xoolihii daaqilaha waxna aan laga beerin.
Xildhibaan Axmed C/kariin Xuseen, oo ka mid ahaa mudaneyaashii doodaasi ka qaynmb qaatay ayaa ka hadlay dhibaatooyinka kala duwan ee haysta deegaanka.


Waxaanu yidhi, “Nin waliba inta uu doono ayuu iska Ootay. Dhulka kalena hadalkiisaba daa. Horaa loo Ootay wixii galbeedka ah. Barriga waxaa la isku dilaa, oo la isku qabsadaa, oo dilalkan joogsan waayay, wuxuu ka socdaa ceshiimo.
Markii aanu Ceerigaabo tagnay, ee aanu dadka aad u waraysanay, waxa la isku dilayaa waa ceshiimo.
Xadaynta dhulka daaqsinta ah, iyo beeraha in la kala xadeeyaa waa muhiim. Labadaa innay dawladu ku dhiirato, ayaa loo baahan yahay.
Waxa kaloo meesha yaalla dhib baa jira, ama beer la Ootay ha ahaato, ama dhulkii daaqsinka ahaa ha ahaatee, dhibka jiraa waxa weeye Dhuxulaysiga.
Geed walba waa la jaray, kii qalalnaa markuu dhamaaday, kuwii qoyanaa ayaa la soo jaray. Baabuurta sida ee magaalooyinka soo gelaysa, waad yaabaysaa”.
Waxaanu intaas raaciyay, “Waxaad arkaysaa baabuurkii oo geedkii qoyanaa sida, nooca uu doonaba ha ahaadee. Weliba dhirtii ugu faa’iidadda badnayd. Wasaaradda deegaanka, waxaad moodaa xaggaa in ay iyadu sharci bixisay. Waayo? Kaantarooladda ayay magaalooyinka ka soo gelayaan baabuurta dhirta qoyan sidaa. Lama koontarabaaniyaba.
Hadduu koontarabaan yahay, dariiqyada khaladka ah ayay ka soo geli lahaayeen. Wasaaradda deegaanku halkaa iyo goleyaashuba in ay aad u eegaan baa loo baahan yahay, oo aynu bal u kuur galno, oo aynu kaantarooladda tagno, oo aynu waydiino waxa Dhuxushan faraha badan lagu soo sido magaaladda.
Dhirtan qoyan ee baabuurta lagu sido, waa in aynu inagu ogaano, oo aynu baadhis u tagno weeye.
Kadibna aynu wasaaradda deegaanka u tagno, oo aynu wax ka waydiino” ayuu yidhi xildhibaan Axmed Xaaji Cabdi Waraabe.
Geesta kale xildhibaan Axmed Cabdikariin, oo doodiisa sii watay waxa uu ka hadlay dhibaatadda ay Bacdu ku hayso deegaanka iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Bacdu dhibaato ayay deegaanka ku haysaa. Geedaha waaweyn markay ku maranto, way qalalaan. Daaqa iyo dhirta yar yar na hadalkoodaba daa.
Dooxyadda marka roobku da’o ee daadku soo rogmado, dawladda hoosena in badan baan kala hadlay. Bacdu waxay ku hadhaa dooxa, oo qaybna way aasantaa, qaybna way hadhaa, oo biyaha ayay qabataa. Kadibna waxaa biyahaa ka dhalanaya Kaneeco.
Xiligii xukuumadii Axmed Siilaanyo, waa la joojiyay Bacda. Anigaygan waa la iga gubay Baco aan keenay, wasaaradda deegaanka ayaana iga gubtay. Waxaan leeyahay dawladu shaqadii hore ee ay qabatay, ha wadaan, oo ha bilaabaan. Cidna yay ku ixtiraamin. Amarka horaa loo bixiyay. Shaqadii hore ee socotay, ee uu madaxweynuhu xilka kula wareegay halkii haka sii waddo.
Wasaaradda deegaanka waxaan leeyahay shaqadii hore ee aad qabateen way wanaagsanayde, halkii kaha sii waddo. Kala xadayntii dhul daaqsimeedkana ha samayso, si xooluhuna ay u helaan dhul ay daaqaan dhirtuna u nabad gasho”.


Dhinaca kale xildhibaan C/rasaq, oo isna ka mid ahaa mudaneyaashii dooddaasi ka qayb qaatay ayaa sheegay in nabaad-guur weyn uu deegaanka ku dhacay, isla markaana looga baahan yahay sidii wax looga qaban lahaa aafadda haleeshay deegaanka.
Xildhibaanka oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaa yimid nabaad-guur, biyihii isma taagayaan, dhulkii wuxuu yeeshay Laaggo iyo dooxyo. Aafo deegaan ayaana dhacday. Waxa kaloo jirta in dooxyadii biyaha laga cabayay laga soo guray Ciidii Niista ahayd, iyadoo aanay dadkeenii garanayn dooxii faa’iidadda lahaa ee ay biyaha ka cabayeen, beerahana ku waraabsanayeen.
Aafadda kale waxay tahay, deegaamayn waxa la yidhaahdo. Imika deegaankii waa la kala sheegtay. Haday Buur noqoto, iyo haday bannaan noqotaba. Dhimasho iyo dhaawac fara badan bay keentay. Waxaanay u baahan tahay tallo qaran in laga yeesho. Deegaankii col fara badan ayuu yeeshay, haddii uu sidan ku sii jirana, cidina xoolo dhaqan mayso, beerana cidi beeran mayso, cidina deganaan mayso.
Waxaana loo baahan yahay in la sameeyo haayad u gaara, oo ilaalisa deegaanka oo magaceedda laga dhigo haayadda aafadda deegaanka”.

By: Khadar Cabdi Muuse

Dawan Media Group/Hargaysa Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here