Somaliland: Saraakiil iyo Shacab ku eedeysan musuq-maasuq oo la xidhay

0
948

Hargeysa-(Dawan)-Hanti-dhawraha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in ay xabsiga u taxabeen saraakiil lagu eedeyay falal la xidhiidha musuq-maasuq .

Axmed Yuusuf Dirir,-Hanti-dhawraha guud waxa uu sidoo kale sheegay in ay xidheen dad shacab ah oo isticmaalayey Dhokamantiyo ay dawladdu leedahay oo been abuur ah islamarkaana ay baadhitaanno ku wadaan dawladaha hoose.

Hanti-dhawraha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland oo Idaacada VOA wax ka waydisay in badhitaanku ku eg yahay shaqaale hoosadka dawladda oo aanay gaadhin Madaxda sare sida Wasiirada ayaa sheegay in ay hore usoo eedeyey Wasiiro iyo Agaasimayaal guud kuwaaasi oo xilalkoodu ku waayey balse aanu ku dhicin Xukun Maxkamadeed Madaama lagu helay Xatooyo xoolo Umaddeed.

Masuuliyinta la xidhxidhay ayaa ka hawlgelayey gobollada , Awdal, Togdheer iyo Saaxil kuwaasi oo isugu jira Xisbiyayaal , Isuduwayaal iyo shaqaale hoosaad.

Leave a Reply