Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo Gadiid la Wareegtay

0
470

Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka wasaaradda Xannaanadda Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa gaadiid loogu tala-galay gobollada Bari kala wareegay Hay’adda Save The Children.

Munaasibadda gaadiidka lagula kala wareegayay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda waxaa goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Xannaanadda Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Yurub Abiib Cabdi, agaasimaha guud ee wasaaradda Cali Xuseen Nuur iyo masuuliyiin ka socotay  Hay’adda Save The Children.

Mukhtaar Muxumed Xasan iyo Maxamuud Maxamed Xasan, oo ka socday Hay’adda Save The Children, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in gaadiidkan ay ku taageerayaan mashruuc Xanaanada Xoolaha ah oo ay wasaaradda  kala shaqeeyaan, iyada oo sheegay in agaadiidkaas ay u soo iibiyeen xarumaha Xannaanooyinka Xoolaha ee deegaannada War-idaad, Ceel-afwayn iyo Ceerigaabo.

Masuuliyiintan ayaa sheegay in dib u dhis iyo dayactir ay ku sameeyeen Xarunta War-idaad sidoo kalena ay ku samayn doonaan labada xarumood ee kale, iyaga oo wasaaradda u soo jiidiyay in gaadiidkaasi la daryeelo oo la ilaaliyo si ay wakhti dheer looa faa’iidaysto.

Wasiirka wasaaradda Xannaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga ee Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in ay gaadiidkaas baahi wayn u qabeen iyaga oo ka caawin doona caafimaadin Xoolaha, Isgaadhsiinta adeegyada iyo Xannaanayntooda, waxaanu sheegay in deegaannada la geynayo gaadiidkaasi ay yihiin deegaano ay ku dhaqan yihiin Xoolo aad u badani.

Leave a Reply