Somaliland: Tartanka koobka Gobollada Somaliland oo maanta lagu Dhawaaqay

0
569

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Somaliland Mudane Boos Mire Maxamed, iyo guddida qaban qaabada koobka gobolada Somaliland ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay wakhtiga la qabanayo koobka gobollada.

Wasiir Boos iyo guddida qaban qabadu waxaa ay sheegeen in 28-10-2020 la qaban doono gobollada dalka Somaliland.

 

Koobka Gobolada Somaliland ayaa isugu jiri Doona Tartanka Kubadda Cagta,Tartanka Kubadda Koleyga Iyo Tartanka Ciyaaraha Fudud oo ay marti galin doonaan Gobolka Marodi-Jeex Ee Magaalada Hargeysa.

 

Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in koobkan ay qayb ka noqon doonaan dadka maqalka naafada ka ahi,  kaas oo bilaabmi doona 19-Bisha September-2020 lana soo geba-gabayn doono 23-Bisha September-2020 waxaana ku tartami doona laba kooxoodoo ka socda Gobolka Marodi-Jeex,Koox ka socota Gobolka Awdal Iyo Koox ka socota Gobolka Togdheer.

Leave a Reply