Madaxweynaha Somalilad oo Ka Hadlay Doorashooyinka Isku-Sidkan

0
524

Hargeysa-(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse  Biixi Cabdi ayaa ka hadlay doorashooyinka isku-sidkan ee la filaayo in ay dalka ka dhacaa Sannadka 2021.

 

Madaxweynaha oo ka hadlaayey Xafladda qalin-jebinta Jaamacada Hargeysa ayaa sheegay in Wakhtigii Doorashada Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanku soo dhaw yahay loona baahan inay noqoto mid dadka u horseeda horumar iyo wanaag . “Doorashadii lasoo qaaday wakhtigeedii waa soo socdaa, waxaan filayaa in doorashadaasi noqoto mid inoo keenta Horumar is jaceyl iyo midnimo, walaalo tartamay oo aan Coloobin, waynu koraynaa Xisbiyadu waa korayaan habka Kaanbaynka loo gelaayo waa la korayaa, ma noqonayno inaan abuurno cadaawad iyo xanaf lagu rafto umana baahnin, mar labaad baan u mahad naqayaa Jaamacada  Ardayda qalin jabinaysana u Hambalyeynayaa, Horumar baan inoo rajaynayaa” ayuu yidhi

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Bulshada reer Somaliland kala dardaarmay qabyaalada, waxaana uu xusay in loo baahan in la xoojiyo hannaanka Xisbiyada waxaana uu yidhi  “Qabyaalada waxaan kaga bixi karnaa saddexdaa xisbi hadii nin waliba mid ku biiro oo aynu xisbi ahaan isu aamminno oo sidaa Xisbiyadu isu dhaliilayaan laysu dhaliilo oo runta loo sheego, shaqada Xisbiyada mucaaridka ah waa inay Dawladda marada ka qaadaan qaladkay gashaba waa shaqada loo diray oo waan soo dhaweynaynaa”.

 

Leave a Reply