Golaha Guurtidda oo Ansixiya Xeer lagu Dhaqayo Bulshada Somaliland

0
622

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Fadhigii shalay ee golaha guurtidda Somaliland, oo uu shir-guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golahaasi mudane, Siciid Jaamac Cali, ayaa lagu ansixiyay xeerka la dagaalanka maandooriyaha, kaas oo lagu dhaqi doono bulshada Somaliland, fadhigaasi oo ay badi mudanayaasha golahaasi goob joog ka ahaayeen.

Mudanayaasha golaha guurtidda ayaa todobadyadii ugu danbeeyay ka doodayay wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka la dagaalanka maandooriyaha.

Dhawaan ayay aheyd markii goluhu guddi ugu saaray soo ururinta xeerka la dagaalanka maandooriyaha.

Xughayaha guud ee golaha guurtidda Somaliland garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa mudanayaasha ka hor akhriyay wax-ka-bedelka iyo kaabista ay ku soo sameeyeen xeerka la dagaalanka maandooriyaha, islamarkaana sheegay in xeerkani lagu fulinayo muwaadiniinta reer Somaliland iyada oo ay ka reeban yihiin ciddi ajaanib ahi  “Xeerkani oo hore u soo maray 2002-dii, imikana laba guddi loo kala diray, naaqishaad kadib, guddidu waxaa ay wax ka beddel ku sameeyeen qodobka koobaad, oo u dhigna sidan.

Xeerkan waxaa loogu yeedhaya xeerka la dagaalanka maandooriyaha, Xeer No. 21/2020-tan, waxaa ay ku soo dartay guddidu firqad labaad, ciwaankiina waa ay badeshay waxaa ay ka dhigeen magaca xeerka iyo cidda lagu dhaqayo, xeerkani waxaa lagu dhaqaya dadka nool gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Qodobka labaad waxaa ay wax ka bedeleen erayga caadeyste isaga oo markii hore ahaa waxaa loola jeeda qofkasta oo qabatimay isticmaalka maandooriye ee xeerkan lagu mabnuucay, isticmaalkiisa, guddidu waxaa ay ku kordhisay iyo ganacsigiisa ay maxkamadd horteed kaga caddaatay hal mar iyo wax ka badan, kaasi ayaa caadeysta ah, waxaa kale oo ay wax ka badeshay eray bixinta isticmaalka maandooriye, markii hore waxaa uu ahaa sifo kasta oo loo qaato maandooriye sida cabid, qiijin, ursasho, isku mudis irbad, shidasho, cunis, waxaa lagu daray nuugis, jaqid, buufin iyo qaab kasta oo loo isticmaalo maandooriye iyo wixii la mida.

Qodobka gaadiidka waxaa loola jeeda wax kasta oo qaada maandooriye, sida gaadiidka, diyaaradaha, maraakiibta, doonyaha intaas ayuu ahaa markii hore, waxaa lagu kordhiyay, awrta, dameeraha, fardaha iyo wax kasta oo lagu qaado maandooriye.

Maxkamadda awooda u leh go’aan ka gaadhista faldanbiyeen dhacay waxaa lagu daray oo uu jideeyay xeerkani oo lagu daray eray bixinta oo xeerkani aan ku jirin Jeedalid, waxaa loola jeeda karbaash ciqaaba oo ay Shareecada Islmaamku banaysay, kaasi ayaa eray bixin loo sameeyay oo la yidhi ‘Jeedalid, qofkasta oo Karbaashka Shareecada Islaamku jideysay lagu sameeya waa Jeedalid, waxaa kale oo lagu daray oo aan hore ugu jirin erayga Jeedal, waa shayga ama aalada loo adeegsanayo Karbaashka xadka Shareecada Islaamku baneysay, waa aaladii loo adeegsanayay ama shaygii wax lagu karbaashayay”

Xeerka la dagaalanka maandooriyaha oo ay mudayaasha golahaasi ku ansixiyeen cod aqlabiyada waxaa natiijada xildhibaanada u codeeyay ku dhawaaqay gudoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha guurtida Somaliland mudane Siciid Jaamac Cali “Fadhiga waxaa ka soo xaadiray 49-mudane, waxaa ogolaaday 48-mudane, cid diiday ma jirto, cidna kama aamusin, guddoomiyuhuna muu codeyn xeerkii sidaas ayuu ku ansaxa.

Kelmada aan idiin saxo cafiska aan idin leeyahay, cafis malaha meesha ay ku taalo waa laga reebaya gabi ahaanba”

 

Leave a Reply