Badhasaabka Sool Oo Soo Saaray Awaamiir Ku Aadan Xanuunka Covid-19

0
585

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa soo saaray awaamiir cusub iyo fariimo wacyigelineed oo uu u diray guud ahaanba bulshadda gobolka Sool gaar ahaana magaaladda Laascaanood.
Kiisaska cusub ee caabuqa Coronavirus oo laga helay magaaladda Laascaanood awgeed.
Kadib markii shay-baadhka lagu baadho Covid19 oo la geeyay cusbitaalka Laascaanood baadhitaanadii u horeeyay oo lagu sameeyay lagu ogaaday in ay jiraan dad qaba xanuunkaasi.
Dadka Laascaanood ku sugan ee xanuunka Coronavirus laga helay waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, oo hawlo shaqo u jooga Sool, isla markaana ahaa qofkii u horeeyay ee lagu shay-baadhay mishiinka lagu baadho Covid-19.


C/qani Maxamuud Jiidhe, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa guud ahaanba bulshadda gobolka ku baraarujiyay sidii looga feejignaan lahaa xanuunkaasi.
Waxaanu yidhi, “Marka hore waxaan ka wacgyogelinayaa bulshadda ku dhaqan gobolka Sool gaar ahaana caasimadiisa Laascaanood. Xanuunkii Coronavirus weli inagama tegin oo wuu inala joogaa.
Dadweynuhu markii hore aad u wacyi-gashanaayeen. Laakiin, beryahan waxaad moodaa in ay hoos u dhacday, oo dadweynubu is dhex galeen.
Haddii xayiraadihii la qaaday, macnaheedu ma aha in Coronavirus inaga tegay.
Hore na waan u sheegay anigu, oo waxaan idhi haddii mishiinka lagu baadho la noo keenno, kiisas badan oo aan gobolkan loogu haynin ayaa laga heli doonaa.
Tiina way dhacday, oo kiisas cusub oo Coronavirus ah ayaa laga helay magaaladan Laascaanood”.
Badhasaabka oo hadalka sii watay ayaa sheegay in maamulka gobolka Sool ay soo saareen awaamiir cusub oo la xidhiidha caabuqa Coronavirus.
“Waxaan halkan ka bixinayaa amar uu soo saaray maamulka gobolka Sool. Waxaan farayaa dhamaanba haayadaha dswladda ee ka shaqeeya gobolka Sool, in ay wacyigelintii kor u qaadaan gaar ahaana haayadaha ay khusayso. Masuuliyiinta dawladda hoose ee Laascaanood, in ay soo celiyaan wacyigelintii iyo ololihii nadaafada, in ay dawladda hoose bilawdo.
Roobab baa da’aya, Coronavirus-na waatan magaaladii laga helay. Markaa dawladda hoose waxaan farayaa in ay hawshaasi dhexda u xidhaan, kormeer na waan ku samayn doonaa, insha Allaah” ayuu yidhi badhasaabka Sool.


Geesta kale guddoomiye C/qani Jiidhe, ayaa u mahad celiyay wasaaradda caafimaadka Somaliland gaar ahaana masuuliyiinta bahda caafimaadka ee gobolka Sool, waxaanu ugu baaqay in ay hawlihii shaqo iyo wacyigelinta Coronavirus ay halkii ka sii wadaan.
Waxaanu yidhi, “Wasaaradda caafimaadka amaan ayaan u dirayaa. Waxaanan leeyahay hawl kama daalooyin, weli waa hoogadiiye, waad aragtaan in xanuunkii laga helay gobolka. Markaa idinku na soo celiya hawlihii wacyigelinta ee aad wadeen.
Wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland masuuliyiinta u joogta gobolka Sool, waxaan farayaa in Malcaamadaha iyo Masaajidadda iyo me3laha loogu talli galay ba in isuduwuhu uu booqdo, wacyigelin na ay ka sameeyaan”.
Waxaanu intaas ku daray, “Dhamaanba haayadaha dawladda ee ka hawl galla gobolka Sool, ee ay arrintani khusayso, iyagana sidaas ayaan faraynaa. Aan dhamaanteenba is kaashano.
Bulshadda ku nool gobolka Sool, hudheeladda, xafladaha iyo arroosyadda iyo siminaarrada lagu qabto, iyaga na wacaan farayaa in ay ilaaliyaan nidaamka kala fogaanshiyaha (Social distance) bulshadda.
Bahda waxbarashadda ee gobolka Sool, iyagna waxaan farayaa in ay goobaha waxbarashadda abaabul weyn ka samayso. Waayo? Iskuuladii way inoo duran yihiin. Waana in ay wacyigelintii bilaabaan” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.
Dhinaca kale badhasaabka ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay iska baadhaan xanuunka Coronavirus, maadaama oo cusbitaalka Laascaanood la keenay mishiinka lagu baadho dadka xanuunkaasi looga shakiyo.
Isagoona keenista mishiinkaasi ee Laascaanood uga mahad celiyay madaxweynaha iyo wasaaradda caafimaadka.


Waxaanu yidhi “Waxaan ugu baaqayaa shacabka gobolka Sool in iska baadhaan xanuunka Coronavirus. Maalintii afartan qof in ka badan waa la baadhi karaa, isla markiibana jawaabta waa loo sheegi karaa. Mishiinka lagu baadho Covid-19 ee Laascaanood la keenay, wax weyn ayuu taray. Wasaaradda caafimaadka na waan uga mahad celinayaa, madacweynaha Somaliland oo arrintaa si weyn uga soo shaqeeyay na waan u mahad celinayaa”.

By: Khadar Cabdi Muuse

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply