Gudida Qandaraasyada Qaranka oo Musuq-maasuq laga baadhayo

0
458

Hargeysa-(Dawan)-Hay’adda Hanti dhawrka guud ee qaranka Somaliland ayaa baadhitaan ka bilawday xarunta gudida qandaraasyada qaranka.

Baadhitaankaasi waxa horkacayay guddoomiye ku xigeenka hay’adda Hanti dhawrka qaranka Sacad Cabdi Cabdillaahi iyadoo shaqadaasi kamid noqon doonto goobo kala duwan oo bishan u qorshaysan inuu hanti dhawrku baadhitaano ka bilaabo.

Nuux Maxamed Xuseen guddoomiyaha gudida qandaraasyada qaranka ayaa soo dhaweeyay baadhitaanka hanti dhawrka qaranku uu ka bilaabay  xafiiskaasi si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday.

Guddoomiye ku xigeenka xafiiska Hanti dhawrka guud ee qaranka Sacad Cabdi Cabdillaahi ayaa sheegay inay  baadhitaano ka bilaabi doonaan xafiisyada hay’daha dawladda iyo dawlada hoose ee dalka  iyadoo ay ka gudan doonan waajibaadkooda ay u xilsaaran yihiin.

Leave a Reply