Xisbiga Waddani oo Aqbalay Dalabkii Wasiir Cabdilaahi Abokor

0
756

Hargeysa-(Dawan)- Xisbiga Mucaraadka ah ee Waddani ayaa aqbalay in la galiyo hanti dhawr madax bannaan hoggaamiyo, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdilaahi Abokor Cismaan.

 

Xoghayaha Biyaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Bashiir Cumar Geelle ayaa sheegay in ay xisbi ahaan ay diyaar u yihiin in lagu sameeyo badhitaan madax banana oo la xidhiidha Musuq-maasuq hoggaamiyahooda , Xirsi Cali Xaaji Xasan ,waxana uu yidhi “ Xirsi waxa uu ahaan ninkii bilaabmay Wadada Ceerigaabo, hanti dhawr madax bannaan in la geliyana diyaar ayaanu u nahay”

 

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa Isniintii todobaadkan soo jeediyey in isaga iyo hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan la galiyo hanti dhawr madax bannaan.

 

 

wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan soo jeediyey in isaga iyo hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan la galiyo hanti dhawr madax bannaan.

Leave a Reply