Maxay Somaliland u kasbatay Suuqa Ganacsiga Shidaalka Geeska Afrika?

0
1101

Qore. Saleeban Kalshaale

Todobaddii bishan September waxa Dekedda Caalamiga ah ee Berbera ku soo xidhay Markab weyn oo sida Shidaalkii ugu badnaa ee abid ka soo dega Dekeddaasi, kaasoo u rarnaa Shirkadda Trafigura Group oo laga leeyahay Dalka Swizeland, taasoo mida shirkaddaha waaweyn ee hogaamiyaha suuqa badeecooyinka caalamka.

Shixnadan oo ka koobnayd 14 000 Ton (afar iyo toban kun oo tan) oo Shidaal ah, ayaa bilow u ah heshiis Ganacsi iyo Maal-gashi oo dhawaan dhex maray Shirkaddan iyo Dawladda Somaliland, kaasoo dhabaha u xaadhaya in ay Trafigura maal-gashi isugu jira balaadhin iyo casriyeyn ku samayso goobta Haamaha kaydka Shidaalka Berbera.

Heshiiskan dhex maray Somaliland iyo Shirkaddan Trafigura, ayaa ah mid ku dhisan Istaraatiijiyad dhaqaale iyo qorshe ay labada dhinac doonayaan in ay mustaqbalka uga faa’idaystaan abuurista Suuqa Iibka Shidaalka Geeska Afrika.
“Heshiiskani wuxuu fursad siinayaa Trafigura inay u adeegsato Terminal-ka hadda jira keydinta wax soo saarka batroolka la sifeeyay si suuq maxalli ah loogu isticmaalo ee gobolkan istiraatiijiyad ahaan muhiimka ah,” ayuu yidhi James Josling, Madaxa Ganacsiga Tamarta Afrika ee Trafigura.
“Waxaan kala shaqeyneynaa dowladda sidii loo yareyn lahaa xaddiga baaruudda ee shidaalka maxalliga ah ku jira, si loo helo fursad ay Somaliland ku waafajiso qiyaasaha wax soo saarka heerarka suuqyada gobolka sida Itoobiya iyo Jabuuti, taas oo kor u qaadi doonta ganacsiga xuduudaha isaga gudba iyada oo la hagaajinayo dikhowga hawada, si la jaanqaadaysa qorshayaasha ESG iyo ballanqaadka Trafigura ee Afrika”.
Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad ayaa faahfaahin ka bixiyey shidaalkan ka soo degay Dekedda Berbera iyo shirkadda keentay, waxaanu ku tilmaamay in dawlad iyo shacab-ba faa’iido weyni ugu jirto maal-gelinta Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera.
“Shirkaddan Shidaalku way ka weyn tahay DPWOLRD, waxaanan u arkaa in ay tahay guul aad u weyn oo qaranka u soo hoyday. waxa la inoo keenayaa Shidaalkii oo diyaar ah oo halkaa lagu soo shubayaa. waxa kale oo ay dhisayaan haamo waaweyn”ayuu yidhi Wasiir Saajin oo la hadlay Warbaahinta Dawladdu.

Ururka Xoojinta Qarannimada Jamhuuriyada Somaliland oo mar walba isha ku haya guulaha Somaliland ka samaynayo dhaqdhaqaaqyada ay ku soo jiidanayso daneeyayaasha diblomaasiyaddeed iyo maalgashadayaasha caalamiga ah, ayaa soo dhaweeyey barmaamujka ay hogaaminayaan Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Trafigura.

Ururka ayaa sheegay in ay tahay fursad kale oo dalka ku soo hogaaminaysa indhaha ganacsiga Caalamiga ah.
“waxaynu hore u ogayn Sumcadii balaadhnayd ee Somaliland uga soo hoyatay inay cilaaqaad la samaysato Imaaraadka iyo DPWorld oo cadowga Somaliland illa imika quudhi la’yahay..
waxa ku xigay xidhiidhkii ina dhex maray Dalka Taiwan oo isna wareer ku riday China oo dawlad weyn ah , haddana waxa soo dhawaaday xidhiidh reer Galbeedku inala yeesho ,waxaana ka markhaati kacaya falceliskii Golaha amaanka iyo wasaarada difaaca ee Maraykanka. maantana waxaynu maqlayna hadal ka soo yeedhay Boqortooyada Ingriiska”sidaasi waxa dhambaal qoraal ah nagu soo gaadhsiiyey guddoomiyaha Ururka Xoojinta Qarannimada JSL Maxamed Axmed oo ka dareen celiyey arrintan.
Balaadhinta iyo casriyeynta Xarunta Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera, ayaa xudun u noqon doonta Suuqa Iibinta Shidaalka noocyadiisa kala duwan ee Gobolka, sida Gaasta Diyaaradaha, Batroolka iyo Diesal-ka, waxaanu waraabin doonaa suuqa ugu weyn ee Bariga Afrika oo ah dalka Itoobiya iyo dalal kale ee baahida u qaba.
Ugu dambeyn, sababta ay Berbera ahmiyadda gaarka ah ugu leedahay daneeyayaasha Maalgashiga gobolka ayaa ah bogcadda ay ku taallo oo ah meel istaraatiiji ah iyo in ay tahay marinka ugu fiican ee waraabin kara Dalweynaha aan Dekedda lahayn ee Itoobiya iyo dalalka kale ee gobolka ee aanay duruufaha nabad-gelyo saamaxayn in galaangal lala yeesho.

Leave a Reply