Godka Qashinka Qubka Magaaladda Laascaanood Oo La Dhagax Dhigay

0
526

Laascaanood (Dawan): Maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale iyo badhasaabka gobolka Sool ayaa maanta si wada jir ah u dhagax dhigay Godka qaahin qubka magaaladda Laascaanood.


Godka qashinka oo loo naqshadeeyey hannaan casriya ayaa yeellanaya dhisme iyo deegaan ay ku shaqayn doonaan hawl-wadeennada ka shaqayn doona .
Qandaraaska dhismaha iyo hirgellinta godka qashinka oo ay bixisay dawladda dhexe ee Somaliland ayaa waxaa fulinaysa oo ku guulaysatay shirkadda dhismaha ee Ahlan Construction.
Mashruucan ahmiyadda weyn u leh nadaafadda iyo bilicda magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood ayaa noqonnayaa kan ugu horreeya ee guud ahaan Somaliland laga hirgellinayo.


Sidoo kale mashruucan iyo kuwa kele ee sida habsamida leh guud ahaan gobolka looga wado ayaa raacaya jadwalka iyo ajandayaasha siyaasadeed ee qorsheyaasha xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, u qorshaysay horumarinta Sool.

Geesta kale dhagax dhiga Godkaasi waxaa maayarka iyo badhasaabka ku wehelinayay xoghayaha fulinta degmada Laascaanood C/raxmaan khadar(Sidiiq), waaxda arrimaha bulshada dawlada hoose Jamac Cali Haashi iyo qandarasle Ibrahin Cabdi Dhaba-haye.

Dawannews.com/Hargaysa Somaliland.

Leave a Reply