Xoghayaha Guddida Covid19 ee Somaliland oo ka hadlay Xaalada cudurka

0
491

Xoghayaha guddida heer qaran ee la-tacaalida iyo xakamaynta cudurka Covid19 Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa faahfaahin ka bixiyey dedaallada qaranku kula tacaalay xakamynta cudurkaasi.

Waxa uu sheegay in aan xayiraadihii la khafiifiyey ahayn in uu xanuunku dalka ka baxay, balse wali loo baahan yahay taxadir iyo foojignaan la yeesho,maadaama uu cudurku somaliland iyo caalamkana si uun ugu jiro.

Xoghayuhu waxa uu sheegay in qalabka la geeyey gobolada ee lagula dagaalamayo cudurku ay tahay hanti-qaran oo aan la iibin karin, sifo kale oo aan sharcigu ogolayna loo isticmaali karin.

Waxa uu isagoo daba socda warar aan la xaqiijin oo ku saabsan in la iibiyey qalab la geeyey Cisbitaalka Burco uu intaasi raaciyey “qalabkaasi waa qalab hanti qaranku leeyahay ah, waana hanti ay Wasaaradda Caafimaadku maamulayso”ayuu raaciyey.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Guddida Covid19 ayaa usbuucyadii la soo dhaafay kormeer ku sameeyey goobaha Waxbarashada dalka, iyagoo u kuur-gelaya in laga dhaqan-geliyey nidaamkii loo dejiyey ee waafaqsanaa ilaalinta caafimaadka Ardayda.

Leave a Reply