Xukuumadda Somaliland oo go’aan ka soo saartay dheeli-tirka Warbaahinta Dawladda

0
448

Xukuumadda Somaliland, ayaa go’aan ka soo saartay hannaanka warfaafinta Dawladdu ugu adeegayso bulshada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Cabdinaasir Cumar Jaamac, ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxa uu ku amray hay’addaha kala duwan ee warbaahinta qaranku in ay si siman wararka u baahiyaan.

Sida lagu xusay wareegtada, warbaahinta Dawladda ayaa si dhexdhexaad ah oo dheeli-tiran u baahin doonta waraka iyo barmaamujyada dalka ka dhaca oo ay ku jiraan kuwa asxaabta Qaranku.

Go’aankan ayaa lagu saleeyey fulinta siyaasadda Madaxweynaha ee ku wajahan dheeli-tirka isticmaalka qalabka warbaahinta.

Wareegtadan oo nuqul kamida soo gaadhay Wargeyska Dawan, ayaa u dhignayd sidan:

Leave a Reply