Hargeysa: Jidka Wadnaha oo waafi laga dhigayo

0
777

Waxa laga dhiyagaa waddo afar haad ah oo dhererkeedu gaadhayo 9KM, taasoo ka soo bilaambaysa Hudheelka Galbeedka Magaalada ku yaalla ee Green Plaza ilaa iyo xarunta Dawladda hoose ee Magaalada oo ku taalla agagaarka Masjid jaamaca weyn.

Mashruucan oo ay iska kaashanayaan Dawladda hoose iyo Xafiiska Madaxtooyadu, ayaa looga gol leeyahay in kor loogu qaado bilicda magaalada, lagu yareeyo saxmada iyo waddo xumaanta dadweynuhu ka cawdo, sida uu wariyeyaasha u sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda madaxtooyada Maxamed Cali Bile oo kormeerayey habsami u socodka howshan balaadhinta wadada oo la bilaabay.

“Waxaan digniintii u dambeysay u diraynaa Shirkaddaha Laydhka ee iska leh Biraha wadada hareereheeda ka taagan iyo kuwa Boodhadhka xayeysiiska leh oo aanu leenahay muddo laba maalmood ah kaga fujista alaabta”ayuu yidhi Agaasime Bille oo si rasmi ah ugu dhawaaqay bilowga mashruucan “howshu way bilaabantay waanay soconaysaa”ayuu raaciyey.

Jidkan oo hormara aqalka Madaxtooyada, ayaa waxa uu sidoo kale si cidhiidhi ah u dhex mushaaxaa Suuqa ugu weyn ee Ganacsiga Hargeysa, halkaasoo Laamiga iminka dhisani qaybo kamida qarsoomay.

Si kastaba ha ahaatee, waxa masuuliyiinta ayaa qalabka warbaahinta la wadaagay qaabka ay noqonayso wadadu oo ah dariiq ay afar gaadhi isku dhaafi karaan.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply