Abaan-duulaha Koowaad Ee Ciidanka Qaranka Oo Gaadhay Sool

0
634

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool ayaa maanta deegaanka Adhi-cadeeye ku soo dhaweeyay abaan-duulaha koowaad ee ciidanka qaranka Somaliland C/rasaaq Af-guduud.
Soo dhawayntaasi waxaa badhasaabka ku wehelinayay taliyaha ciidamadda qaranka Somaliland ee aagga goboladda bariga iyo saraakiil kale.


U jeedadda socdaalka abaan-duulaha koowaad ee ciidamadda qaranka ayaa la xidhiidha sidii uu qayb uga noqon lahaa hawlaha nabadaynta ee beelaha deegaanka Adhi-cadeeye.
Nabadayntaasi oo ay qayb ka yihiin ciidamadda qaranka Somaliland oo ku kala dhex jira beelaha hore dirirtu u dhaxmartay.

Daawo: Soo Dhawayntaasi:


Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply