Somaliland Oo Qiimaynaysay Waxyaabaha Uga Hirgalay Qodobadda Isbedelka Cimiladda Adduunka

0
558

Qorsheyaasha Caalamiga ah Ee Isbedelka Cimiladda Adduunka iyo Kuwa Somaliland

Qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa qorsheyaasha guud ee jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa ee ku aadan ilaalinta iyo daryeelka deegaanka.
Kuwaasoo lagu ansixiyay shirar kala danbeeyay oo lagaga arrinsanayay isbedelka cimiladda aduunka iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Qaybta hore ee qormadeena maanta waxaynu ku soo qaadan doonaa warbixin la xidhiidha Hadafyadda (goals) caalamiga ee ilaalinta deeegaanka iyo wax ka qabashadda kulaylka uu keenay isbedelka cimiladda aduunka.
Halka qaybta labaadna aan ku soo qaadan doonaa wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland oo Salaasadii todobaadkii hore kulan la yeelatay haayadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka iyo ganacsato maxali ah.
Kulankaasi oo la xidhiidhay waxyaabaha ka hirgalay qorsheyaasha daryeelka deegaanka ee Somaliland oo loo yaqaano NDPII.

WARBIXINTA ISBEDELKA CIMILADDA ADUUNKA IYO QODOBADDA LAGU ANSIXIYAY SHIRARKA CAALAMIGA AH.
Hadafka 13: Waa in tallaabo deg deg ah laga qaado isbedelka cimiladda iyo saamaynteedda.
Sanadkii 2019-ka waxa uu noqday sanadkii labaad oo cimilada aduunku ugu kululayd inta la diiwaan geliyay, iyo sidoo kale dhamaadka 10 kii sanadood ee kululaa ee la diiwaan geliyo tan iyo sanadkii 2010kii ilaa 2020ka.
Heerka kor u kaca kaarboon laba ogsaaydh iyo qiiqa ay hawada ku sii daayaan wershaduhu ayaa noqday mid aan hore loo arag sanadkii 2019ka.
Isbedelka cimiladda waxa uu saamaynayaa wadan kasta oo aduunka ah qaarrada uu doonaba ha ku yaalee.Waxa uu saamayn ku yeelanayaa dhaqaalaha dawladaha iyo nolosha dadka.
Wasakhowga hawadu waxa uu sababay in ay kor u kacaan kulaylka biyaha Baddaha, iyadoo taasina keenaysa dhibaato ku timaadda hawada oo sii xumaata.
Inkastoo ay dib u soo noolaatay dabiicigii deegaanka, isla markaana qiiqa ay wershaduhu hawadda ku sii daayaan uu hoos u dhacay sanadkan 2020-ka 6%.
Taasoo ay ugu wacan tahay xanibaadda socdaalka iyo hoos u dhaca dhaqaalaha ee uu sababay xanuunka dunida ku faafay ee Covid-19-ka. Balse, isbedelka cimiladda aduunku wax caqabad ah kuma keenin xanibaaduhu.
Laakiin, waxaa la filayaa in marka ay dhamaato dhibaatadu ee uu dhaqaaluhu dib u soo kabto Coronavirus kadib, waxaa suuro gal ah in uu dib u soo noqdo kor u kaca heer kulku.
Isbedelka cimiladda aduunka iyo faafitaanka caabuqa Covid-19, laduba waxay u baahan yihiin in jawaab deg deg ah laga bixiyo.
Qodobadii heshiiskii shirkii Paris ee sanadkii 2015-kii, waxaa la iskula qaatay qodobo looga dan lahaa in lagu xoojiyo baaqyadda caalamiga ah ee wax lagaga qabanayo isbedelka cimiladda aduunka.
Kuwaasoo lagaga hor tegayo kor u kaca kulaylka ku yimid xarraarada.


Taasoo la aaminsan yahay in ay qarnigan sare u kacday 2 degree oo cabirka heer kulka Celsius, kana hoosaysa heerka intii hore werahaduhu u sii dayn jireen.
Sidoo kale heshiiskii Paris ee 2015-kii waxaa ku jiray qodobo lagu xoojinayay oo looga dan lahaa in dawladuhu ay awood u leeyihiin wax ka qabashada saamayn taban ee isbedelka cimiladda aduunka.
Iyadoo ay u marayaan dariiq cusub oo ay isticmaalataan dhaqaale in ay ku bixiyaan isku xidhka adeegsi wada shaqayneed ee tignoolajiyadda iyo in ay kor u qaadaan awwoodda ama baaxadda qaab dhismeed isku xidhan oo wada shaqayneed.
Dhinaca kale qaybta labaad ee qormadeena DEEGAAN JIRRE, ee todobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa kulan ay wasiirka deegaanka Somaliland la yeelatay haayado caalamiya oo ka shaqeeya arrimaha deegaanka.


Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa Salaasadii todobaadkii hpre kulan la yeelatay haayadaha caalamiga ah iyo qaar ja mida ganacsatadda dalka.
Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda deegaanka waxaa wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka C/naasir Axmed Xirsi.
Sidoo kale waxaa shirka joogay saraakiil ka socday haayadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka, ganacsato reer Somaliland ah iyo masuuliyiin kaloo ka tirsan wasaaradda deegaanka.
Kulankaasi ayay u jeedadiisu ahayd sidii dib u eegis loogu samayn lahaa waxyaabaha ka hirgalay qorshaha horumarinta qaranka ee NDP11.
Gaar ahaana qodobadda la xidhiidha ilaalinta iyo horumarinta deegaanka.
“Maanta waxaa ka dhacay xarunta wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland, kulan ay wasaaradda, haayado caalamiya iyo ganacsato maxali ahi isugu yimaadeen”.
“Kulankaasi waxa uu daaranaa in dib u eegis lagu sameeyo qorshaha horumarka qaranka ee labaad (National development plan 2 NDPII) siiba qodobada deegaanka la xidhiidha.
Waxyaabihii la gaadhay 4-tii sano ee la soo dhaafay iyo caqabadaha ku gedaanaa”ayaa lagu yidhi qoraal kooban lagu baahiyay barta ay Facebook ku leedahay wasaaradda deegaanka Somaliland.

Leave a Reply