Daadmadheedh: Maamulka Gobolka Oo Bur-buriyay Bali-biyood Sharci Darro ah

0
559

Oodweyne (Dawan): Maamulka gobolka Daadmadheedh ayaa dib u aasay Bali biyood si sharci darro ah looga qoday Banka Arroori.
Badhasaabka Daadmadheedh Nuur Cismaan Guulleed, waxaa hawl galkaasi ku wehelinayay taliyaha qaybta booliska gobolkaasi iyo isuduwaha wasaaradda deegaanka.
Banka Arroori ayaa ka mida meelaha ay wasaaradda deegaanka Somaliland ka xidhay Seere-xiliyeedyadda.
Nuur Cismaan Guulleed, badhasaabka gobolka Daadmadheedh ayaa digniin u diray cid kastoo isku dayda in ay si sharci darro ah Beerro ama Baliyo uga samaysato Banka Arroori.

Daawo: Hadalka Badhasaabka Daadmadheedh:


Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply