Maamulaha Dugsiga Gurya-samo oo Bulshada ugu Baaqay inay soo Celiso Haybaddii Iskuuladda Dawladda

0
524

Hargeysa (Dawan) Maamulaha gelinka danbe ee dugsiga hoose dhexe ee Gursamo ee degmadda Maxamuud Haybe, ee caasimadda Hargeysa Xaamuud Cabdi Cabdillaahi, ayaa ka warbixiyay adeeg bixinta warbarasho ee dugsigiisa, dhanka nadaafada, waxyaabaha ay dhismayaasha ku soo kordhiyeen.

Waxaa kale oo uu ka hadlay arday ka soo jeeda qoysas danyara oo ay ka taageeraan dhinaca waxbarashada.

Sidoo kale waxaa uu fariimo isbarkan u diray bulshada qaybaheeda kala duwan, dawlada hoose iyo dawlada dhexe.

Dugsiga hoose dhexe ee Gurya-samo ayaa ka duwana muuqaal ahaan dugsiyo badan oo dawlada oo ku yaala caasimada Hargeysa, dhanka nadaafada, nashqadeynta gidaarka oo lagu xardhay sawir dhaqaameedyo kala duwan oo ay ka muuqdeen, xoolaha aynu dhaqano iyo duur-joogta dalku caanka ku yahay, agabka hiddaha iyo dhaqanka, taas oo uu maamuluhu sheegay in ay uga jeedaan in ardayda lagu  baro dhaqanka dalkooda iyo kheyraadka nimcooleyda.

 

 

Leave a Reply