Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Oo Digniin U Dirtay Dugsiyadda Gaarka ah

0
567

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa uga digtay dusgiyadda gaarka loo leeyahay in aanay 45 arday ka badan kari tiradda ardayda fasal kasta fadhida.
Waxaanay wasaaradu kormeer ku samayn doontaa dugsiyadda, isla markaana dugsigii lagu arko iyadoo ay fadhiyaan tiro 45 ka badan in ruqsadda lagala noqon doono.
Iyadoo la fulinayo go’aankii guddiga xakamaynta heer qaran ee xanuunka Coronavirus.
Sidaasina waxaa sheegay wasiirka waxbarashadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi oo maanta wada jir warbaahinta ula hadlay.


Waxaana wasiirka iyo agaasimaha shirkaas jaraa’id ku wehelinayay guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax iyo xubno kaloo wasaaradda ka tirsan.
Wasiir Axmed Toorno, ayaa ka warbixiyay himilooyinka ay hiigsanayso wasaaradda waxbarashadu iyo sidoo kale horumar uu sheegay in ay sameeyeen dugsiyadda dawliga ah.

Daawo: Shirka Jaraa’id Ee Masuuliyiintaasi:


Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply