Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray MCH Cusub

0
616

Bali-kaliil (Dawan): Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray MCH cusub oo laga hirgeliyay deegqqnka Bali-kaliil ee gobolka Maroodijeex.
Xaruntan Hooyadda iyo dhalaanka oo ay hirgeliyeen ururka Dallaayad ayay baahi weyn u qabeen bulshadda deegaankaasi.
Sida ay sheegeen xubno ka tirsan ururka Dallaayad oo madasha hadallo ka jeediyay.
Xarumaha caafimaadka ee laga hirgeliyo deegaamadda tuullooyinka ah ee goboladda Somaliland qaarkood ayaa inta badan xidhma muddo markay shaqeeyaan.
Sababo la xidhiidha kal-kaaliyaal caafimaad la’aan kadib marka la waayo shaqaale caafimaadka aqoon u leh oo deegaaamadaas u dhashay.


Hase yeeshee wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa wada sidii arrintaasi wax looga qaban lahaa.
Iyadoo xarun kastoo caafimaad oo tuullo laga furo ay u tababarayaan ama u gaynayaan shaqaale deegaanka u dhashay.
Sida uu sheegay wasiir ku-xigeenka caafimaadka Somaliland Mahdi Cismaan Buuri, oo isagu xadhiga ka jaray MCH-kan laga hirgeliyay Bali-kaliil.

Halkan Hoose Ka Daawo Warkaasi:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply