Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka oo ka Hadlay Maamul Daadejinta Xafiiskiisa ee Heer Gobol

0
559

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen ayaa sheegay in ay dib u bilaabmeen bixinta Qandaraasyada Qaranka oo hore hakad u galay muddadii xannuunka Safmarka ah ee Covid-19 dunida ka jiray, wakhti xaadirkana ay Qandaraasyo badan bixiyeen.

Guddoomiye Nuux waxaa sidoo kale uu sheegay in aanu jirin Qandaraas dawladeed oo qiimihiisu ka badan yahay shan kun oo dollar oo aan iyaga soo marin mudadii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xilka hayay.

Dhanka kale waxaa uu ka hadlay dabagalka Qandaraasyada ay bixiyaan iyo sida ay u kala leeyihiin hawlaha dabagalka iyo eegista laamaha dawladda ee ay quseysa.

Guddoomiye Nuux Maxamed waxaa uu intaas ku daray qorshaha balaadhinta xafiisyada guddida Qandaraasyada Qaranka ee gaadhsiinta maamul daadejinta ilaa heer degmo.

Guddoomiyaha guddida Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen waxaa uu sidan ku sheegay wareysi gaara oo uu siiyay Wargeyska Dawan.

“Intii xannuunka safmarka ah ee Covid-19 jiray qandaraasyada waala hakiyay, imika labadan bilood ee ugu danbeeyay qandaraasyadii sidoodii ayay u socdaan, shirkaduhuna si xawli ah ayay ugu tartamayaan, mashaariicda aanu wadnaana waa kuwa sannadka 2020-ka qorshayaashada dawladda”

Guddoomiye Nuux Maxamed waxaa uu intaas ku daray qorshaha balaadhinta xafiisyada guddida Qandaraasyada Qaranka ee gaadhsiinta maamul daadejinta ilaa heer degmo. “Xafiisyada gobolada sannadkan 2020-ka ayaanu furayna hadii ILLAAHEY yidhaaho, waxaanu wadna in degmooyinka A-da ah aanu xafiisyo ka furano 2021-ka hadii ILLAAHEY yidhaaho, waana qandaraasyada heer gobol ilaa heer degmo ayay qaban doonaan hadii ILLAAHEY yidhaaho xafiisyadaasi”

Dhanka kale waxaa uu ka hadlay dabagalka Qandaraasyada ay bixiyaan iyo sida ay u kala leeyihiin hawlaha dabagalka iyo eegista laamaha dawladda ee ay quseysa “Dhismayaasha dabagalkoodu waxaa uu xeerku siiyay wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta, islamarkaana ka masuula tayada dhismayaasha, anaguna masuul waxaa aanu ka nahay in aanu dabagalo, oo mashruuci sidii loogu talo galay ma u dhammaaday ma u fulay ayuu xeerkayagu dhigayaa waananu daba gala.

Welina mashruuc aanu bixinay oo fashilmay ma jiro, shirkadaha qandaraasyada waxaa aanu u soo bandhignaa shirkadaha reer Somaliland oo dhan, bari ilaa galbeed, waxaana u soo tartama shirkadaha gobolada dalka oo dhan, degmo Somaliland ka tirsan oo aan loo tartamin ma jirto sharaa’iga ka tirsan kolay hawl soconaysa cabatin lagama waayayo, shirkadaha cabanaya xaq waxaa ay u leeyihiin cabatinkaa ay keenaan hadii ay ku qanci waayaan in ay ambiil naga qaataan oo maxkamadda tagaan, laba sanno iyo badh ayaanu shaqaynay cid anbiil naga qaadatayna ma jirto, shirkadaha naga cawda waanu qancinaa waanay ku qancaan sababta sababta ay ku hadheen”

 

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen ayaa sheegay in ay dib u bilaabmeen bixinta Qandaraasyada Qaranka oo hore hakad u galay muddadii xannuunka Safmarka ah ee Covid-19 dunida ka jiray, wakhti xaadirkana ay Qandaraasyo badan bixiyeen.

Leave a Reply