Ololle laba ujeedo khuseeya oo laga bilaabay Caynaba

0
420
Caynabo(Dawan)-Magaalada Caynabo ee xarunta Gobolka Saraar, waxa laga bilaabay maanta Ololle waddo banayn ah oo ay hogaaminayso dawladda hoose ee degmadaasi, kaasoo inta uu socdo laga fulin doono afar waaxood oo loo qaybiyey Magaalada.
Olollahan oo ay hogaaminayaan masuuliyiinta Dawladda hoose ee Degmadaasi, ayaa looga gol leeyahay hagaajinta deegaanka gudaha Magaalada, waxaanu socon doonaa muddo todobaad ah.
“Waa Barmaamuj Dawladda hoose wado oo socda, kaasoo lagu banaynayo waddooyinka magaalada Caynabo oo ay dadku si khaldan u xidheen amma dhir meel aan haboonayn lagu beeray iyo qaar dhagax iyo dhismeyaal lagu gooyey waddooyinkii dadka iyo gaadiidku ka adeegan lahaayeen, markaa saakaa la bilaabay waanu socon doonaa todobaadka soo socda”sidaasi waxa Warbaahinta u sheegay Xoghayaha Dawladda hoose ee Degmada Caynabo Cumar Maxamuud Muuse.
“Waxa laga bilaabay qaybta Machad-ka oo laga samaynayo waddo banayn iyo hagaajintii ugu horaysay ee nashqadaynta, waxa iyaduna ka horaysay qaybta Nadaafada oo muddo ka socotay qaybta Horseed”ayuu raaciyey isagoo wariyeyaasha u waramayey xilli uu Ololluhu socday.
Gaadiidka kala duwan ee loo isticmaalo banaynta jidadka ayaa ka qayb-qaadanaya Olollahan, waxaana la arkayey Cagaf gafuurka hore la dhacaysa dhismeyaal macbal ah iyo meello dhagax lagu tuullay.
Xoghayuhu waxa uu sheegay in Ololluhu salka ku hayo laba qodob oo kala ah banaynta Jidadka iyo kor u qaadista nadaafada magaalada, waxaanu shacabka ugu baaqay in ay u dhego-nuglaadaan howl-galka kor loogu qaadayo bilicda magaalada.
“Shacabka waxaan ugu baaqayaa in ay sii baneeyaan dhagaxa ay guryahooda hordhigeen ee xannibaada ku ah dad, duunyo iyo gaadiidba oo ay ka qaadaan”ayuu mar kale sheegay.
“Dadku haddii aanay dhagaxa ay dhigeen guryaha hortooda ka qaadin waa lala wareegayaa oo waxa qaadaya gaadiidka dawladda hoose”ayuu raaciyey.
Degmada Caynaba, ayaa kamida magaalooyinka sanadkan 2020  lagu daray barmaamujka isku-xidhka dawladdaha hoose ee ay wadaagaan dawladda iyo qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah, kaasoo loo soo gaabiyo JPLG, kuna taxaluqa maamul-daadejinta iyo horumarinta magaalooyinka.

Leave a Reply