Isbitaalka Xanuunada Hurada!

0
438

Khuurada ayaa ah dhibaato  weyn ku abuurta lamaanaha is guursada, iyadoo ah mid argagax ku gelisa  marka aanu hore qofku uba maqal, taasi oo qaarkood u qaataan inuu qofku dhimanayo sida wakhtiyo badan dhacday.

Xaaladahan ama cudurkani oo dad badan dhibsadeen, ayaa dhakhtarka Alexander Virt  oo u dhashay Jarmalka  uu sameeyey xarun  uu ku soo bandhigay qalab uu rajeynayo inuu xallilo dhibaatada.Xaruntan waxa yaalla qalab uu qofka ugu xidhayo kaasi oo badhtamaha sanka gaadhaya isagoon wax dhibaato ah u keenayn. Qalabkan ayaa caawinaya in neefta qofka uga soo baxado si fudud oo aan dhibaato ku keenayn.

Dhakhtarka Alxenadar Verit oo 67 sano jir ah waxa uu takhsus u leeyahay xanuunada hurdada, waxaana uu soo ururiyay ariimo badan oo ku saabsan khuurada oo cajiib leh. Waxaana u sheegay in Raggu marka ay 50 sano dhaafaan ay yihiin kuwo ka cabanaya khuurada. Dadka soo booqda xarunta mataxfkan aya iyagoo ku qanacsan oo aqoon ka bartay ka taga.Xarunta Khuurada ayaa u furan dadka ka cabanaya xanuunadan maalmaha Arbcada, Sabtida iyo Axadda

Leave a Reply