Shaqaale 7 Milyan Oo Shaqo Keliya Wada Qabanaya!

0
421

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Xinhua ee dalka Shiinaha shaqaale 7 milyan oo qof ahi ayaa ka qayb qaadan doonaan tira koobka dalka Shiinaha oo la qabto 10 sano hal mar. Dadka waxa laga qorayaa magaca, jinsiga, taariikhda dhalashada iyo dhamaan macluumaadka qofka looga baahan yahay.  Tirakoobkii hore waxa la qabtay sanadkii 2010, iyadoo  dadka ajaanibka ah ee lagu daray ay gaadheen 600 kun oo qof oo badankoodu ka yimi dalka Kuuriya.  Tirada dadka Shiinaha ee la tirakoobayo ayaa lagu qiyaasayaa inay noqoto 1.3 bilyan qof.

Tirakoobkii la qaaday 2010 tirada dadka ku jira da’da 14 ama ka yar ayaa hoos u dhacday 6.2%, marka loo eego tirakoobkii hore.  Waxa kale oo hoos u dhac weyn ku yimi  dhalashada oo meeshii ugu hooseysay gaadhay tan iyo markii la aasaasay Jamhuuriyadda Shiinaha 1949.  Tira koobkan ayaa bilaabmaya bisha November ee soo socota sanadkan 2020.

Cudurka faafaya ee Covid 19, ayaa walaac ku abuuri doonaa Shiinaha, gaar ahaan malaayiinta shaqaalaha tirakoobka ka qayb gelaya kuwaasi oo ku wareegi doona waddanka.  Inkasta oo wakhtigan la sheegay inuu hoos u dhacay dadka uu k,u dhacayo caabuqa Korono Virus.

Leave a Reply