Dawladda Hoose ee  Berbera oo Bilawgda Qaybinta Dhir Lagu Beeri Doono Guryaha Iyo Meheradaha Hortooda

0
409

Berbera(Dawan):-Dawladda Hoose ee Degmada Berbera ayaa Bilawday Dhir qaybin ay  ugu talo gashay in lagu beero guryaha iyo meheradaha Hortooda.

Munaasibad dawladda hoose ee degmada Berbera ay ku qaybinaysay dhirta ay ugu talo gashay in lagu beero meheradaha magaalada hortooda ayaa ugu horeyna waxaa halkaas ka hadlay xubno ka qayb qaadanayey dhir qaybintaas oo sheegay in ay hore golaha deegaanka Berbera ay u ansixiyeen qorshaha mashruuca dhirbeerista cagaaran ee magaalada Berbera.

Waxa kale, oo isna halkaas ka hadlay xoghayaha fulinta dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, oo sheegay in ay ka dawlad hoose ahaan doonayaan in ay dhir badan beeraan inta lagu gudo jiro bilaha qaboobaha, isaga oo intaas ku daray in ay laba kun iyo shan boqol oo geed u qaybinayaan shanta xaafadood ee ay Berberi ka kooban tahay si siman oo isku mid ahna ugu qaybinayaan, waxaanu xusay in ay dhirtaas ugu talo galeen in ay beeraan dadweynaha xaafaduhu, taas oo ay soo wadeen illaa 2018-kii.

Sidoo kale, waxa dhir qaybintaas ka hadlay duqa degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cabdishakuur Cidin) oo sheegay in ay u qorsheysan tahay in ay shanta bilood ee soo socda ay beeraan illaa sodon kun oo geed, waxaanu ku boorriyey bulshada ku nool magaalada Berbera in ay ka qayb qaataan bilicda iyo horumarinta Berbera.

Gabogabadii waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha gobolka Saaxil Dr. Axmed Maxamed Xaashi, oo tilmaamay muhiimada ay dhir beeristu u leedahay bulshada magaalada Berbera, isaga oo xusay in ay habboon tahay in dadweynaha degmada Berbera ay ka qayb qaataan dhirbeeristaas, taas oo wax weyn ka taridoonta xiliyada kuleylaha ah.

 

 

 

Leave a Reply