Guddoomiyaha Xisbiga  Waddani  ee  Dalka  Maraykanka oo Hargeysa lagu soo Dhaweeyay

0
390

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka   Waddani  ee  dalka  Maraykanka  Ibraahim AwAadan Qooboy  ayaa  Shalay dalka soo gaadhay.

Masuuliyiin ka kala  tirsan   Xisbiga  Waddani   iyo  Taageeerayaasha Xisbiga  Waddani  ayaa ku   soo dhaweeyay  Guddoomiyaha  Xisbiga  Waddani ee  dalka  Maraykanka  Garoonka Diyaaradaha  ee  Cigaal  International ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee dalka Maraykanka   Ibraahim Aw Aadan Qooboy  ayaa   uga  Mahadnaqay   Masuuliyiinta iyo Taageerayaasha Xisbiga Waddani   ee soo dhaweeyay.waxaanu yidhi”Waxaan  u mahadnaqayaa  Haweenka  Xsibiga heer Qaran iyo heer Gobol,  gudida  Gobolka  Maroodijeex  waxaana sharaf wayn ii  ah  sidaa   aad  isoo  dhawayseen  waxaanan idiika Mahadcelinayaa sida  aad iisoo  dhawayseen,Wadanka  Shansano ayaan ka maqnaa warna  iguma seegana  waxaana  inaga dhaxeeya waa Wadanka iyo Mustaqbalkiisa  waxaanan  is  waraysan  doonaa   Hogaanka Xisbiga Waddani iyo Madaxdiisa”.

Sidoo  kale   Xoghayaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xisbiga Waddani   Yuusuf  Nuux  Tadhase oo isguna hadal ka jeediyay soo dhawayntan ayaa   sheegay in uu ku ammaanay sida uu soo dhisay Laamihii Xisbiga Waddani Dalka Maraykanka.waxaanu yidhi”Waxa  aanu  soo dhawaynaynaa Guddoomiyaha Xisbiga  Waddani ee  dalka  Maraykanka,waxaanan  kaaga Mahad celinaynaa sida  aad usoo dhistay laamihii Xisbiga  Waddani ee dalka Maraykanka,waanan is  waraysan doonaa waxaana aanu ku leenahay ku soo dhawoow dalkaagii hooyo,”.

 

Leave a Reply