Wasiirka  Biyaha oo Xadhiga ka Jaray Ceelbiyood  laga hir Geliyay Deegaanka Waddo Bariis.

0
346

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaarada Horumarinta  Biyaha Somaliland mudane   Maxamed Muuse   Diiriye ayaa Xadhiga ka jaray Ceelbiyood laga hir geliyay Deegaanka Waddo Bariis ee ka tirsan Degmada Faro-weyne.

Munaasibad xadhiga lagaga   jarayay Ceelbiyoodkaas ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada  Horumarinta Biyaha  Maxamed  Muuse   Diiriye   Xildhibaano ka tirsan   Golaha Wakiilada iyo Golaha Deegaanka Hargeysa iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta  Biyaha Maxamed Muuse   Diiriye oo hadal ka jeediyay Furitaankii  Ceelbiyoodkan ayaa sheegay inay samayn doonaan Sahamin dheeraada oo ay ku ogaanayaan Biyaha dalka ku jira.waxaana uu yidhi”Waxa aanu isku dayaynaa in aanu sahamin  dheeraada oo aan ahayn kuwii hore ee  aanu haynay in aanu samayno si aanu u ogaano Biyaha dalka ku jira,Qorshahayaga  dhaw waxa ku jira in aanu samayno in dhaamam  ugu bedelno xadka wixii ku teedsan haddii laga waayay Biyo dadka ku  filnaada,”.

Maxamed Muuse   Diiriye oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Waxa  hadda ka bilaabaynaa  Dhaamam Umaddu  wada leedahay  Badarmaan  hoosteeda  Balligubadle hoosteeda Dhaam wayn ayaa laga sameeyay intii aan la dhamays Tirin ayaa roobku ku soo rog maday waxaana uu ka qaaday   Bacdii  waxaanan   isku dayaynaa in aanu haggaajino Gumburaha Banka mid baa nooga  socda Salaxlay Dhaamwayn oo 200 Mitira ayaa ka dhamaaday, kuwa ku xiga kan ayay noqon doonaan  ee  Xadhiga  laga  jari  doono  waxaana aanu ku dedaalaynaa Biyahan  soconaya ee inna dhaafaya sidii xal loogu heli lahaa Qabashadooda,”.

Leave a Reply