“Wasiir Saajin  Guushu Hortiisa ayay Taallaa”

0
840

Maxammed  Jaamac  Liibaan

Waa Shakhsi go’aan qaadasho leh,kuna habboon xilka uu u tartamayo,waana shakhsi u taagan inuu Qaranka gudo iyo debadba wax badan ku soo kordhin karo oo aan looga shakiyeyn xilkaasi. Waayo dib u eeg intii uu joogay,Wasaaradda.Ganacsiga,Wershadaha iyo Dalxiiska,horumarka la taaban karo ee uu ka sameeyey oo aan halkan lagu soo koobi karayn.

Waana shakhsi il-dheer oo aan ku deg degin go’aan qaadashadiisa/tabashada iyo cabashooyinka kala duwan ee ka soo gaadha muwaadiniinta,ganacsatada,warshadlayda iyo dalxiiskaba,isla markaana ku qanciya sida ku habboon ee ay RAALLIDA ku yihiin. Guushuna Hortiisa ayey taallaa,waanu ku guulaysanayaa,xilkaasi. In’shaa’allaahu Tacaala.

Diga-rogadka maanta ah gacmuhu ways dugsanayaane – Dawgaad bannaysaa ka kale daylo soo marine – Degalkaaad furtaa baa ka kale dayr u soo jariye – Dabka aad shidaa baa ka kale saari dogob weyne – Waadaantaad dar keentaa ka kale laaska soo dariye.

Waxaana hubaal ah inaad wax badan ku soo kordhin doonto,Himilada iyo Hiigsiga Qarankan. ‘

WA  BILLAAHI   TAWFIIQ.

Maxammed  Jaamac  Liibaan                         Hargeysa.

 

Leave a Reply