WEEDHA WARGEYSKA   Ma Hoggaamiyaa Mise Waad U Taqaan?

0
385

“Qofka la odhan karo waa hoggaamiye, waa inuu leeyahay awood uu bulshada ku jihayn karo; dhinaca ay u socdaan maahee, jiho kale u dhaqaajin karo, ama hal-abuur uu hindisay ka midha dhallintiisa bulshada u adeegsan kara. Madaxweynihii hore ee Maraykan Ronald Reagan ayaa mar uu ka hadlayey hoggaaminta laga soo sheegay inuu yidhi, ‘Hogaamiyuhu maaha ka wax weyn isagu hirgaliya, balse waa ka dhaqaajiya dadka si ay wax weyn iyagu u fulliyaan’ Markaa si kooban, hoggaamiyuhu waa inuu hiraal, karti iyo saameyn yeeshaa.” Intani waxaa ay ka mid ahayd qoraal dhawaan uu baahiyay Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud oo xigganayay muxaadarro uu jeediyay bare Jaamacaddeed.

“Hoggaamintu waa shay lagu tababarto oo la sii horumarin karo. Markaa waxna waa hibo iyo u dhalasho, waxna waa tababar iyo barasho” ayuu ku sii kabayaa.

Qormaddan marka aan halacsanayo, waxaa barraha bulshadda ee shabakada Intarnetka gaar ahaan Facebook aad loogu hadal-hayay hebello magac ku dhex leh bulshadda dhexdeeda oo siyaasiyiyiin damac hoggaamineed leh isu arka ama dadka qaarkoodba u arkaan.

Dabadeed, waxaa qallinku jeclaystay in bal aynu si guudmar ah u tilmaanno hoggaamiyaha iyo sifooyinkiisa inta la isla ogol-yahay ama waxaa laga yidhi, ‘Waxay Culimmadu caddeeyeen in Hoggaamiyuhu saldhig u yahay ; isku-duubnida iyo wadajirka qaybaha bulshada uu hoggaaminayo, degganaanshaheeda, gaadhida ujeeddooyinkeeda, ku-dhaqanka Aydiyaloojiyadeeda iyo gudashada hawlaheedaba.”

Hadda maaha kala dirkeedda, isku dirkeeda iyo kala shaki siinteedda’ e garro. “Culimmadu waxay tilmaameen, inay cilmi-ahaan adag tahay; in la xaddido astaamaha la rabo inuu hoggaamiyuhu yeesho guud-ahaanba, waxaase cilmi-ahaan la xaqiijiyay ; inaanu hoggaan bulsho aadami ahi qaban karin, Qofka leh Sifooyinka soo socda:-

(a) Qofka shakiga badan ee aan isku kalsoonayn.

(b) Qofka aan bulshaawiga ahayn, goonni-u-socdka ah, dad la dhaqankana lahayn.

(c) Qofka garashadiisu kooban tahay (Maan-gaab). Dadka astaamaha noocaas ah leh, hadday qabtaan xil hoggaamin bulsho, way ku guul-darraysanayaan oo kama midho-dhalin karaan.

Waxaa kale oo hoggaaminta bulshada hadduu qabto, isaguna ku fashilmaya; Qofka leh astaamaha wanaagsan ee hoggaaminta bulshada, sida;     Geesinnimada, Deeqsinimada, Go’aan-qaadashada, Degganaanshaha, Garsooridda iwm. hase yeeshee, ay ka maqan tahay Hawl-karnimada, Waayo-aragna aan ahayn, waana sida loo yidhaahdo;” Waayo-aragnimo la’aaney ba’..”.

Waxaa la arkay ; rag shahaaddooyin sar-sare sita, aqoon iyo akhlaaq aanay ku yarayn, magac iyo muuqaal weyn leh, hase yeeshee, aan labo xadhig isku xidhi kareyn, xafiisyadooddana ay hadhaysay fadhiidnimo hawleed, tallaabo kasta oo ay qaadaanna laga sheeganayo wax qabad la\aan oo aan hawlahooda gudan.

Marka aynu hoos u eegno sifooyinka iyo astaamaha wanaagsan ee lagu garto Hoggaamiyaha Wanaagsan, ma fududa xadidaddoodu, maxaa yeelay, waxay badanaa ku xidhan tahay; Mawqifyada hadba soo wajaha hoggaamiyaha, waaqaca aan laga gudbi karin ee hor-yaal iyo deegaan-bulshadeedka ku xeeran, waana sida ay Murtidu sheegtay ” Haddii uu nin geesi ahi, raggu (geed-adayg yahay), haddaan garabka lala qaban guri oodi maayo..”(H.Gufaaco).

Hoggaamiye kasta oo yimaada, astaamihii wanaagsanaa ee hoggaamintana leh, hadduusan taageero ka helin dadka iyo dawladda uu hoggaanka u hayo, waaqaca yaallana aannu u hiillin, hal tallaabo hore uma qaadi karayo, xilkiisana si fiican uma gudan karo, xataa haddii uu dibadaha maciinsado, sida ay taariikhdu sheegayso.

Si kastoo ay arrimuhu yihiinba, waa inuu hoggaamiyaha muslimka ahi lahaado astaamaha iyo sifooyinka hoos ku qoran ee ay culimmadu sheegeen:-

(1) Waa inuu Allihiisa weyn ka baqayo, niyad u hayo, daacad iyo diyaar u yahay xilka hoggaaminta bulshada, waddanina yahay.

(2) Waa inuu jidh iyo maskax-ahaanba bad qabo, si uu karti ugu yeesho xil-gudashadiisa.

(3) Waa inuu Shakhsiyad, muuqaal iyo akhlaaq wanaagsan leeyahay.

(4) Waa inuu dadka qancin karo, ra’yigiisana si fiican u cabbiri karo, si dhiirranna hadalka u karo, go’aan qaadashana leeyahay.

(5) Waa inuu doonayo inuu dalka iyo dadkaba wax u qabto, dul-qaad iyo geesinimana muujiyo.

(6) Waa inuu ka dhisan yahay dhinacyada; aqoonta guud, in ku filanna ka yaqaan cilmiga bulshada, diinta, siyaasadda, ugu yaraanna hal luqad oo caalami ah si fiican wax ugu cabbiri karro, si uu adduunka kale ula macaamilo.

(7) Waa inuu leeyahay hal-abuur ,kana dabbaalan karo caqabadaha, maareyntiisuna mid macquul ah tahay.

(8) Waa inuu leeyahay aragti dheer, wax sii saadaalin karo, dibin-daabyadana dareemi karo.

(9) Waa in uu dadka kale iskaashi la samaynayo, qaddarinayo ra’yigooda, isla-weynina aanay ku jirin.

(10) Waa inuu si caqli iyo miyir ah wax ku xallin karo, caadifadahana iska xakamyn karo.

(11) Waa inuu joogto u horumarin karo xidhiidhka uu dadka kale, gudaha iyo dibadaha la leeyahay.

(12) Waa inuu bisayl iyo waayo-aragnimo xambaarsan yahay.”  Prof. Mohamed Ahmed Farah Mattan (Jaafaa)

Sifo kasta oo kor ku xussani waa kooban tahay, laakiin, Hoggaamiyihii ugu wanaagsannaa Gaal iyo Islaamba waxaa la isku raacsay inuu yahay Rasuulkeennii (NNKHA)

Haddaba, akhriste, intee ayaad raga iyo hablaha inaga hormuuqda ee aynu u naqaan ama isu arka hoggaamiyayaasha sifooyinka aynu sheegnay ee kooban aad ku aragtay. Bal u fiirso oo astaamahan badankoodda ma laga hellayaa hogaamiyaha aad taabacsan tahay ama ka soo horjeeddo,? Adiga oo Indho caddaaladeed ku eegaya, haddii uu leeyahay sifooyinkaas kor ku sheegay iyo kuwo kale oo badan oo wagggaansan, haddii uu abuuri karro dhacdooyinka ee aanu ka jawaabeynin, haddii uu mawjaddaha ka dhasha dhacdooyinka iyo figraddaha uu abuuray maamulli karo oo aanu ku hafaneyn Mawjaddaha, la arkee inuu waxtar yeesho oo meel uun ka soo mudh-yidhaa. Haddii kale oo ka madhan yahay, ogtahayna In aanu lahayn karrti uu ku jiheeyo ummad iska dhan oo kala arragti iyo aqoon duwan. Markaas ha majeerranne judhaba faham in aanu kob colleen leh ka soo durdurineyn.

 

Leave a Reply