Shirguddoonka oo Golaha ka saaray Xildhibaan Caagad ku Ganay Xoghayaha iyo Xeerka Doorshada oo la isku Mari-waayay

0
592

Hargeysa (Dawan) Shir-guddoonka golaha wakiiladda Somaliland ayaa dibada uga saaray fadhigii saaka ee golaha wakiilladda Xildhibaan Faarax Maxamed Cabdulle, kadib markii uu caagad ku tuuray xughayaha golaha wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Fadhigii golaha wakiillada ee saaka oo la doonayay in lagu ansixiyo xeerka guud ee doorashooyinka, ayay mudanayaashu ku kala aragti duwanaadeen, ansixinta xeerka iyaga oo u cuskanayay qodobo kala duwan.

Xildhibaanada qaar ayaa ku doodayay in xeerkii saaka mudanayaaha loo qaybiyay in laga reebay doodii mudada labada todobada goluhu xeerkan  kaga doodayay.

Waxaa kale oo la filayay saaka in warbixin laga dhageysto ergadii goluhu u saaray mudanayaasha golaha ka maqnaa ee saluuga hore uga muujiyay xeerka doorashooyinka, taasi oo aan dhicin.

Xeerkani ayuu codgaliyay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiillada Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle, waxaana loo balamay maalinta berriya hadii ILLAAHEY yidhaaho in qodob qodob loo akhriyo lana ansixiyo.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply