Qabiile iyo Faarax-dheere oo eedo ujeediyay Shirguddoonka iyo Xildhibaanada Fadhiga ka Maqan

0
686

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile, ayaa shir-guddoonka golaha wakiillada iyo mudaneyaashii doodii xeerka guud ee doorashooyinka ka maqnaaba eedo u jeediyay.

Xildhibaan Qabile, oo warbaahinta la hadlay markii laga soo dareeray fadhigii golaha wakiillada ee maanta ayaa shir-gudoonka ku eedeeyay in hab jujuuba ay doonayeen in lagu ansixiyo xeerka guud ee doorashooyinka Qaranka, kaas oo uu sheegay in aanay la socon hadal qoraalkii iyo doodii golaha wakiillada ee ay aheyd maanta markii loo qaybiyay in ay ku lifaaqnaato.

Dhinaca kale waxaa uu eedeeyay mudanayaasha ka maqna gabi ahaanba doodi xeerka laga yeeshay, oo uu tilmaamay in ay aheyd in tallaabo anshax marina laga qaado.

Dhanka kale xildhibaan Faarax Maxamed Cabdulle (Faarax Dheere), ayaa ka hadlay mihiimada xeerka guud ee doorashooyinku dalka u leeyahay, iftiimiyayna sababta maanta loogu codeyn waayay.

Xildhibaan Faarax waxaa uu intaas ku daray in xeerka la ansixin doono goluhuna aqlabiyad ku kala baxo kooramka iyo shirkuna u buuxo.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply