Cimriga Gabadha Iyo Guurkeeda!

0
569

Qaanuunka Giriiga hore gabadha muu aqoonsanayn inay leedahay xuquuq , waxaana uu aaminsanaa in ay ka hoosaysa heerka iyo qiimaha banii’aadamka oo ay u dhaxayso dadka iyo xayawaanka.

Waxaana faylasuufkoodii Aristotle uu yidhi “ Gabadhu abuur ahaan malaha caqli weyn sidaa awgeed waa inay ku eekaata hawlaha guriga, xanaanaynta iyo hooyanimada iwm”.

Aristotle siyaasadiisa dumarka waxa uu u arkaayey in ay ka dambeeyaan ragga, oo aanay lahayn awood maamul; waxaana uu rumaysnaa in ninku uu yahay ka xukumaya siyaasadda gabadhiisa. Aristotle aragtidiisa waxa uu sheegay in dumarku  ay kaga duwan yihiin ragga, iyagoo ah kuwo kacsanaan badan, naxariis badan, cabasho badan, isla markaana khiyaano badan. Xagga farxaddana waxa uu sheegay inay raga kala siman yihiin,

Sidaas darteed Girgii hore ayaa aaminsanaa in gabadha nolosheeda dhabti ahi ay u bilaabanto marka la guursado, inta ka horaysana ay ku jirto nolol khayaali ah oo aan lagu macanayn Karin jiritaan xaqiiqi ah.   Waxaana ay cimriga gabadha tiro aan loo bilaabi jiray maalinta la guursado, Wakhtigaasi oo ay rumaysnaayeen inay bilowday nolosheeda dhabta ah.

Leave a Reply