Xikmadaha

0
708
  • Dhibaatada daacaadku way dhamaata, laakiin waxa kuu hadhaya abaalka weyn, macaanka macasidu wuu tagaa laakiin ciqaabkiisa ayaa ku sugaya.
  • Afara arimood yartaantooda ayaa ku dhibta, xanuunka, Fakhriga, Cadowga iyo dabka.
  • Ha degin meel aan dhakhtar ama caalim wax ku baraa joogin.
  • Qofka ku weydiista waxaanad awoodin, wuxu rabaa waa Ma hayo.
  • Mar kasta xusuusnow geerida, Noloshaadu way guulaysane. Wanaag same, isaga ayaa dhibaatooyinka gaashaan kaaga noqon.
  • U Mahadnaq Allah (sw) wanaag ayaa kuu kordhiye. Ku sabir dhibaatada Allah (sw) ayaa kaa dulqaadiye.

 

  • “Biyaha milixda ah ee badda samada ayay ku uumi baxaan waxayna noqdaan daruuro, haddana dhulka ayay ku soo noqdaan iyagoo biyo macaan oo roob ah. Qalbigaaga ku xidh samada, ka sug sida uu kuugu soo noqdo”. Ibunu Qayim Aljawsi.
  • Wakhtiga oo aad lumisaa waa ka dhib badan yahay Geerida, maxaa yeelay wuxu ka goyanayaa Allah iyo Aakhiro, laakiin Geeridu waxa keliya ee ay ka goynaysaa waa dunida iyo qoyskaaga.
  • Dadka waxa ugu nacasnimo badan kan ambada marka uu u dhowaado goobtii uu socday

 

 

Leave a Reply