Farxadda Qofku Waxay Ku Xidhan Tahay Farxadda Bulshada!

0
536

Nin beeralay ah ayaa sanadka ku guulaysan jiray tartanka sanadlaha aee hadhuudhka la beero. Weriye ayaa maalin waraysi ka qaaday isagoo weydiiyay sababta uu sanad kasta ugu guulaysto tartanka beeraha?. 

Waxaan uu ugu jawaabay inuu uu beeraha jaarkiisa mid kasta uu siiyo midhaha ugu wanaagsan ee uu beerayo isagu ee soo iibsado. Weriyaha aya haddana weydiiyay : “ Oo sidee ayaad u siisaa beeralayda jaarkaaga midhaha wanaagsan adigoo inay kula tartamayaan ka warhayaa?!

Ninka Beerlayda ah ayaa haddana ku jawaabay : “ Miyaanad ogayn in dabayshu qaado midhaha taalaalka oo ay geyso beer kale ?!. Haddii ay jaarkaygu beeraan hadhuudh xun aniga talaalkooda waxa iisoo qaadaysa dabaysha, markaasina waxa iisoo baxaya waa kharibmaya oo isa saamaynayaa. Haddaba haddii aan helo midho talaal ah o wanaagsan inaan jaarkayga siiyaa waa aniga guushayda maxaa yeelay haddii dabayshu soo qaado waxay soo qaadaysa abqaal wanaagsan..

Ninkan beeralayda ahi waxa uu si fiican u ogaaday sida noloshu isula falgasho. Weligii iskuma uu u deyin inuu isagu soo saaro hadhuudh wanaagsan ilaa beeraha jaarkiisa iyagana siiyo midhaha talaalka wanaagsan ee doonayo inuu isagu beero. Farxadda qofka keliya ayaa ah farxadda bulashada dhamaanteed. Abaalkuna waa nooca shaqada kolba aad hayso.

 

Leave a Reply