Laba Kala Fog Dheregga Iyo Gaajada Dunida

0
1662

Sida laga soo xigtay hay’adda cuntada dunida ee FOA Sanad kasta dunida waxa raashinka khasaara lagu qiyaasay 1.6 bilyan ton. Raashinkaasi ayuu qiimihiisa gaadhayaa $ 1.2 Tirilyan. Waxaana uu ku dhex baaba’ wershadaha iyo ganacsatada, iyo macmiilka. Inkasta oo mararka qaarkood ay isticmaalayaashuna baabiiyaan iyagoo si khaldan u adeegsdaa raashinka ay u baahan yihiin.

Waxa kale  oo iyana jira in raashinka la daadiyaa uu dhibaato u keenayo deegaanka sida haddaba la arkay. Waxaana qiyaastu sheegtay in maalin kasta dunida ay gaajoonayaan dad lagu qiyaasay 700 milyan kuwaasi oo uu ku filaan lahaa raashinka kuwa dhergay ay khasaariyaan.

Hay’adda Boston Consulting Group (BCG), ayaa iyana sheegtay in dhibaatadu ay ka sii xumaan doonto tobanka sano ee soo socda.  Waxaana ay saadaalisay in sanadka 2030, qashinka cuntada uu kor u kici doona qiyaas dhan 2.1 bilyan tan, oo u dhiganta lacag dhan $ 1.5 tiriliyan. Waxa kale oo ay cadaysay in saddex meelood meel oo u dhiganta 66 tan, cunnadii la soo saaray ay khasaartay ilbidhiqsi kasta bishii Aug 24, 2018.  Waxaana kala fog nolosha dunida iyadoo sida awirk,ak,a muuqta Indiya raashinka saboolka loo kariyo oo loo qaybiyo galayda, halka Maraykanka ay mashquul ku yihiin Mobile marka ay miiska raashin looga buuxiyo laba qof keliya.

Leave a Reply