Qisada Filimka “Get Out” Iyo Adoonsigii Dadka Madow Ee Maraykanka!

0
759

Sulayman Northup oo ah nin ka soo jeeda bulshada Madow ee Maraykanka waxa isaga iyo qoyskiisu oo ka koobnaa xaaska iyo laba caruur oo wiil iyo gabadh ah oo uu dhalay ay degenaayeen magaalada New-york.

Ninkani waxa shaqadiisu ahayd nijaarada iyo kamanka oo uu si xirfad sare ah u garaaci jiray. Maalin ayuu kula kulmay magaalada laba nin oo cadaan ah, oo ganacsato iska dhigaya, waxaana ay ay usoo bandhigeen inay siinayaan shaqo miisiga ah madaama uu xiriif ku yahay, muddo laba toddobaad ah, iyagoo u balan qaaday mushahar aad u badan.

Sulaymaan arinkaasi waa uu aqbalay isla markiina waa uu raaacay.  Isla markiiba waxa ay siiyeen daroogo ay ku dareen dareere sharaab ah oo aanu dareemayn, intii uu daroogaysnaa ayay ayay ku xidheen qol madow isagoo katiinadaysan.

Markii uu soo baraarugay waxa uu is arkay goobta uu joogo iyo katiinada ku jabsan Sulaymaana waxa uu isla markiiba ogaaday in la afduubay iyo in labada nin aanay ahayn ganacsato. Waxaana uu gartay in loo iibin doono adoonimo sida wakhtigaasi caadiga ka ahayd Maraykanka.

Labada nin ee afduubay ayaa u qaaday New Orleans si ay ugu iibiyaan adoonimo iyagoo ku sheegay inuu yahay addoon ka soo baxsaday Georgia oo aan waxba akhriyin, waxna qorin. Halkaasi ayay ka bilaabantay qisada Northup ee adoonimada 12 sanadood iyo noloshii uu ku  jiray.Waxa uu arkay maalin gudaheed sida xorriyadiisu u luntay iyo sida uu adoon u noqday isla wakhtigiiba.

Qisadan oo dhab ahayd waxa laga sameeyay filimka “Get Out”   waxaana filimka ka buuxo arriimo xiiso leh oo ah dhacdooyin shucuurta qofka bedelaya kuwaasi oo dhexmaraya  Northup iyo jilayaasha kale. Waxaana filimku ka waramayaa taariikh nololeedka Sulaiman Northup iyo adoonsigii ka jiray Maraykanka qarinigii 19 aad . (La soco Qaybo kale)

 

 

Leave a Reply