Kulmiye oo ka digay in si Khaldan loo Isticmaalo Astaanta Xisbiga

0
503

Hargeysa-(Dawan)-Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha Afraad ee xisbiga Kulmiye ayaa Ergooyinka ku Wargeliyey Waqtiga Kaadh Qaadashadu bilaabmayso.

Xubnaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee shirweynaha Kulmiye, ayaa ergooyinka kala duwan ee ka qaybgelaya shirweynaha, kuwaas oo isaga kala yimi gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Kulmiye, Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo ay wehelinayeen guddidu, ayaa dhammaanba ergooyinka shirkaas ka qaybgalkiisa isu diiwaangeliyey ku wargeliyey in laga bilaabo habeenka uu Jimcuhu soo gelayo kuna beegan 1-October-2020-ka, ay qaadashada kaadhadhkaasi ka bilaabmi doonto xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa uu xubnaha ergooyinka shirweynaha ku wargeliyey in qaadashada kaadhadhku socon doonto maalinnimada Jimcaha soo socda ilaa Sabtidana ay soo dhammaan doonto, isaga oo xubnaha ku adkeeyey inay ku dedaalaan inay kaadhadhkooda ku helaan muddadaas loo asteeyey oo aanay ka habsaamin.

Shirweynaha Afraad ee xisbiga Kulmiye, ayaa maalinta Axadda ee bisha Octoober 4-ta tahay, sannadka 2020-ka ka furmi doona Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxana la rajeynayaa inay kasoo qaybgalaan ergooyin tiradoodu kun kor u dhaafayso oo hore isu diiwaangelisay.

Waxa kale, oo uu guddoomiyaha guddida qaban-qaabada shirweynaha afraad ee xisbigakulmiye Cabdikariin Xinif, uu digniin u diray dad uu sheegay in ay si khaldan u isticmaalayaan astaamaha xisbiga, iyaga oo hadana dhaleecayn u soo jeedinaya isla xisbiga kulmiye sheeganayana in ay ka tirsan yihiin, wuxuuna u soo jeediyey in ay u wanaagsan tahay in ay madax bannaan u hadlaan iyaga oo aan sheeganeyn xisbiga kulmiye.

Leave a Reply