Hay’adda u Diyaar Garowga Aafooyinka oo Daah-furtay Kulan ku Saabsan Maamul Daadejinta Gurmadka Qaranka

0
640

Ceerigaabo (Dawan) Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Faysal Jaamac Xirsi ayaa magaaladda Ceerigaabo ka daah furay Barnaamij lagaga arrinsanaayo qorshaha maamul daadejinta ka hortaga aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka.

Waxa kulankan kasoo qayb galay guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag, qaar kamid ah isu duweyaasha gobolka, xubno ka socday ururadda Bulshadda iyo marti sharaf kale, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay isu duwaha Hay’adda ka hortaga Aafooyinka dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland ee gobolka Sanaag Cabdicasiis Axmed Maxamed iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Sharmarke Cabdi Muuse , waxaanay sheegeen in iyaga oo ka duulaaya aafooyinka dabiiciga ah ee dalka kusoo kordhay in ay u muuqatay in la yeesho qorshe heer Qaran ah, kaas wax lagaga qabanaayo ama lagula tacaalaayo xaaladdaha adag, waxaanay bulshadda reer Ceerigaabo ugu baaqeen in xiliyadan roobabku da’ayaan aan la deign meelaha biyo mareenada ah oo layska ilaaliyo.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda u diyaar garowga aafooyinka dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Faysal Jaamac Xirsi, oo munaasibaddaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ujeedada kulankani ay tahay maamul daadejin lagu sameeyo siyaasadda Qaran ee aafooyinka, taas oo uu sheegeen in hadda loo gudbin doono golaha wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiye Faysal Xawte oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anagga oo Burco soo marnay, Laascaanoodna uga sii gudbi doona, imaatinkayagu waxaa uu salka ku hayay in aynu isla wadaagno oo xog ka urursano islamarkaana mihiimkayaga koobaad waxaa uu ahaa in aanu maamul daadejin ku sameyno siyaasadda hay’adda keydka raashinka iyo aafooyinka dabiiciga ah, islamarkaana loo gudbin doono shirka golaha wasiiradda Somaliland, kadib la helo dadka rayigooda lala wadaagana wixii aynu kala korodhsan karrno in aynu kala korodhsano si aynu u hello siyaasad Qaran oo ina anfacda, oo heer Qaran ah, kana turjumaya aafooyinka iyo waxyaabahan soo noq noqonaya.”

Guddoomiye ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay in ay hay’addoodu qorshaynayso sidii gobolka Sanaag looga hirgelin lahaa keydka qaranka, waxaanu yidhi ‘Hay’addani waxa weeye hay’adda aafooyinka iyo keydka raashinka Qaranka Somaliland, guddoomiye waxaa noo weheliya qorshahan gurmadka Qaranka in aanu gobolka Sanaag ka hirgelino keydkii Qaranka xafiiskii, taana dhulkeedi iyo hawsheedii in aad nagu wareejisaan”

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Faysal Jaamac Xirsi ayaa Arbacadii todobaadkan ka daahfuray Barnaamijkan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, isaga oo halkaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu Arbacadii kulan ku qabanay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaas oo aanu ka daah-furnay, kuna daadajinay qorshaha qaranka ee gurmadka musiibooyinka (National Disaster Contingency Plan). Hawshani waxay qayb ka tahay dadaalka maamul-daadejinta, halkaas oo goboladda iyo degmooyinka waaweyn ee qaranka lagula wadaagi doono qorshayaasha heer qaran ee ay fulintooda doorka muhiimka ah ku leeyihiin.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Faysal Jaamac Xirsi ayaa maanta oo Sabti isla barnaamijkan ka daah-furaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Leave a Reply