Degmada Faraweyne oo ay Roobab Dabaylo Watey Ka Da’een…

0
1046

Faraweyne (Dawan) – Roobab dabeylo watay oo habeenkii xalay ahaa ka da’ay degmada Faraweyne ayaa khasaare u geystay dhismeyaal ku yaalla gudaha degmadaasi.

Roobabkan ka da’ay degmada Fara-weyne oo ahaa kuwo dabaylo watay ayaa dhulka dhigay guryo ku yaalley degmadaas, iyada oo ay guryaha qaarkoodna saqafka sare ay ka qaadeen dabaylihii uu roobkaaasi watay, waxaana khasaaraha roobkani geystay ka warbixiyey guddoomiyaha degmada Faraweyne Maxamed Cabdi Gargaare.

Guddoomiye Gargaare oo kormeer ku tegay goobaha uu roobkani khasaaraha u geystay ayaa sheegay in uu magaaladda khasaare weyn u geystay roobkani ,waxaanu tiradda guryaha uu roobkan dabaysha watay dumiyey ku sheegay Guddoomiyaha degmadaasi ilaa 6 guri oo uu roobkaasi dumiyey, waxa uu sidoo kale tilmaamay in dadkii guryahani ay ka dumeen dulsaar ku noqdeen dad kale.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in waxyeeladda roobku ay intaas ka badan tahay oo aanay ku koobnayn guryahan uu dumiyey oo keliyaata, waxaanu ugu baaqay Hay’addaha ay khusayso in ay wax tar lasoo gaadhaan dadkan uu Roobku guryohoodii waxyeeladda soo gaadhsiiyey, waxaanu cadeeyey guddoomiye Gargaare in aanay jirin dhibaato nafeed oo uu roobkaasi geystay.

Leave a Reply