Guddida qandaraasyada Qaranka oo shaaciyey Shirkaddo ku guulaystay afar Mashruuc

0
586

Hargeysa(Dawan)-Guddida qandaraasyada Qaranka JSL, ayaa shaaciyey shirkaddaha ku guulaystay qandaraasyada afar mashruuc oo dawli ah oo hore loo baahiyey tartankooda.

Qandaraasyada waxa kamida hirgelinta adeegga la socodka gaadiidka Dawladda oo lagu xidhayo GPRS, kaasoo ay ku guulaystay shirkadda Telesom, iyadoo ay ku tartameen sideed shirkadood.

Waxa kale oo kamida qandaraasyada, dib u xoolaynta Dadkii ku abaaroobay Abaaraha ee ku dhaqan gobolada Togdheer iyo Sanaag iyo Dhismeyaal loo dhisayo Wasaaradda Ganacsiga.

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen, ayaa natiijada tartankaasi kaga dhawaaqay munaasibad lagu qabtay xarunta guud ee Guddida, taasoo ay ka qaybgaleen shirkaddaha ku tartamay qandaraaskaasi.

Xubno kamida Guddida iyo wakiillo u hadlay shirkadihii tartanka galay , ayaa iyaguna halkaasi ka jeediyey kelmado ku saabsan sida uu tartanku u dhacay.

Shirkaddaha laga guulaystay, ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin habka loo kala xulay shirkaddaha, waxaanay guddida ku bogaadiyeen shaqada culus ay ee ay qaranka u hayaan.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Guddida ayaa todobaadkii hore shaaciyey tartanka loo gelayo qandaraasyada mashaariicdan oo ay dawladdu maal-gelinayso.

Leave a Reply