Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda u Diyaargarowga oo soo xidhay Kulan ku Saabsanaa Qorshaha Gurmadka Qaranka

0
479

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda u diyaargarawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Jaamac Xirsi (Faysal Xawte) ayaa Magaalada Laascaanood ku soo xidhay kulan lagaga hadlayay maamul daadejinta Qorshaha Gurmadka Qaranka.

Faysal Jaamac Xirsi oo hadal ka jeediyay Xidhitaankii kulankan ayaa waxa uu sheegay in kulankan lagu falanqeeyay isla markaana rayi’ ururin laga sameeyo Qorshah Gurmadka Qaranka, waxaana uu intaasi ku daray in Aafooyibka ay ka mid yihiin Abaarihii dalka ka dhacay oo Saameeyay nolosha Binaadamka.

Faysal Jaamac Xirsi oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aanu ka daah furaynaa Laascaanood Qorshaha Gurmadka Qaranka Somaliland oo maalmahan aanu hawshiisa ku jirnay, waxa aanu soo marnay Burco iyo Ceerigaabo, muhiimada iyo Qorshaha Hawshan laga leeyahay waxa weeye in Qorshaha Gurmadka Qaranka Rayi Ururin laga sameeyo,marka dambana fulintiisa qayb ka noqdaan. Marka laga hadlayo Aafooyinka waa faro badan yihiin baryahan Isbadalka Cimilada oo qayb ka ah Aafooyinkan ku dhaca Geeska Afrika Aduunyada waa kala Simanahay”.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda u Diyaargarawga aafooyinka iyo kaydka Raashinka Qaranka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa jira Aafooyin aan hore u dhici jirin Duufaanta oo kale labadii Sanno ee ugu dambeeyay labo jeer ayay ka dhacday Duufaantu Xeebaha Somaliland, sidaas darteed Qorshaha aanu u soconaa waxa weeye oo kulankani ku saabsanyahay in aanu idinla Wadaagno Qorshaha Gurmadka Qaranka, waxa kale oo ka mida Aafooyinka Abaarihii dalka ka dhacay oo waxyeelay Dhaqaalaha dalka iyo Nolosha Bini-aadamka waayo nolosha Bini-aadamka waxa ay ku tiir santahay Xoolaha arimahaas oo dhan ayaan doonaynaa in aanu Xog u ururin ka Samayno waxaana muhiima in Qorshaha lagu daro warbiximaha Gobalka Sool,”.

Leave a Reply