“Somaliland Horumar Weyn ayay ka Gaadhay Dimuquraadiyadda iyo Hannaanka Asxaabta Badan”

0
476

Wefti ka socday dawladda Itoobiya oo Somaliland bogaadiyay

Hargeysa (Dawan) Wefti ka socday dawlada deegaanka Itoobiya oo ka soo qayb galay shirweynaha afraad ee xisbil KULMIYE, ayaa Somaliland ku bogaadiyay horumarka dimuquraadiyada iyo hannaanka xisbiyada badan ee ay ku talaabsatay.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo deegaanka Soomaalida Itoobiya oo u hadlay xisbiga barwaaqo ee dawlad deegaanka Itoobiya Maxamed Faarax Muxumed oo ku hadlayay afka weftiga dawlada Itoobiya ayaa sheegay in Somaliland horumar weyn ka gaadhay nabadgeliyada, dib u dhiska dalka, horumarka iyo tartanka xisbiyada badan, waxaanu ku aammay Somaliland hanaqaadka Dimuquraadiyada asxaabta Qaranka oo uu ku sifeeyay kuwa sal adag oo dimuquraadi ah.

Waxaanu intaas ku daray in hoggaanka Somaliland talladeeda haya abuureen wax ay jiilashooda dambe uga taagaan oo dalkooda jeclaysiinaya, kuna dhalinaya hami ah in ay noqon karaan hoggaamiyayaasha berito.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo deegaanka Somalida Itoobiya oo u hadlay xisbiga barwaaqo ee dawlad deegaanka itoobiya Maxamed Faarax Muxumed isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaa farxad weyn noo ah in aanu idinkala qayb galo shirweynaha xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ee 4-aad ee maanta halkan ka dhacaya, dhab ahaantii xidhiidhka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Somaliland waa mid aad u gudo weyn, mid aynu maanta bilowna maaha ee waa soo jireen, xidhiidh siyaasadeed ayaa jira, xidhiidh abni ayaa jira, xidhiidh dhaqaale wadaag oo aad u balaadhan ayaa jira, ku dhaqan iyo ku aqooneed ayaynu wadaagnaa, iyo mid dhalasho intaba, farxad weyn ayay noo tahay in aanu ka qayb galo maanta shirkani”

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata intaas ku daray in hoggaanka Somaliland talladeeda haya abuureen wax ay jiilashooda danbe uga taagaan oo dalkooda jeclaysiinaya, kuna dhalinaya hami ah in ay noqon karaan hoggaamiyayaasha berito. “Somaliland abnigii ayay sugeen meel dheer ayay ka gaadheen Dimuquraadiyada ayay sameeyaan, asxaabta siyaasiga ah ee dalka joogaa waxaa ay ku guuleysteen in si xora oo Dimuquraadiyadi ku jirto xukunka ay ula kala wareegaan, taasina waa mid dhaxal siin karta jiilasha soo socda ee reer Somaliland waddan ay ku noolaan karaan, kuna hamiyi karaan in ay hogaamintiisa iyo mustaqbalkiisa qayb ka noqdan”

Leave a Reply