Masuuliyiin DDS Ah oo lagu Martiqaaday Shirweynaha 4-aad ee Xisbiga KULMIYE.

0
528

Hargeysa (Dawan)  Wafdi uu hogaaminayo wasiirka xafiiska waxbarashada ee DDS, ahna xubin ka tirsan gudiga fulinta ee xisbiga Barwaaqo Maxamed Faatax Maxamad, mudane Bashiir Shaafi Cumar, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, mudane Faysal Rashiid Cumar madaxa arimaha xisbiga ee xisbiga Barwaaqo ee deegaanka Soomaalida, ayaa ka soo qaybgalay shirwaynaha 4-aad ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, oo saaka ka furmay magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland.

Masuuliyiintan ayaa marti-sharaf ahaan uga qaybgalaya, kadib markii ay martiqaad rasmi ah ka heleen xisbiga KULMIYE.

Todobaad ka hor ayay ahayd markii masuuliyiin heer deegaan ah oo uu hogaaminayo, hogaanka nabadgalayada ee DDS Dr. Xuseen Xaashi Qaasim ay booqdeen Hargaysa.

Ilaa intii uu isbadalku ka dhacay deegaanka Soomalida, waxaa sii xoogaysanaya xidhiidh wanaaga ay dawlada deegaanka Soomalidu la samaynayso wadamada dariska ah ee ay Soomalidu degto iyo Somalilanba.

Leave a Reply