Wasiirka Warfaafinta oo Bogaadiyay Shirweynaha 4-aad ee Xisbiga Kulmiye

0
658

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa Hambalyeeyay Shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye ee ka furmay Magaalada Hargeysa.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore Koore waxa uu intaasi ku daray in Magaalada Laascaanood ay u joogaan hawlaha nabedgalyada iyo maamul fidinta gobalka Sool. waxaana uu xusay in dad badani ay taageeri doonaan xisbiga Kulmiye marka ay arkaan waxa uu qabtay.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Laascaanood, isaga oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Sharaf ayay u tahay dhamaan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye daafaha aduunka ku kala nool iyo kuwa ku nool Dalka, waxa halkan uga gudbinayaa Hambalyo Shirweynihii 4aad ee Xisbiga Kulmiye oo ka qabsoomay Magaalada Hargeysa, waxaana lays waydiin karaa maxuu Saleebaan u tagi waayay Shirweynaha Kulmiye waxa aad garan kartaan in shaqada qaranku tahay ta ugu mudan ee loo baahan yahay in laga shaqeeyo, sidaa daraadeed waxa jira hawlo aan ka soo bixi kari waayay oo loo baahnaan karo in la sii wado oo ay ugu badan yihiin hawlaha Nabedgalyada iyo siyaasada guud ee maamul-fidinta Somaliland ayaanu halkan u joognaa. waxaana aan ku faraxsanahay in aanu hawshaa halkan ka qabano cidiba meel ayay shaqada ka haysaa”.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo hadal kiisa sii watay waxa uu yidh i”Waxa aan isleeyahay Dad badan ayaa taageeri doona Xisbiga Kulmiye marka ay arkaan waxa uu qabtay mudadii uu xilka hayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, sharaf iyo karaamo ayay inoo tahay in aynu noqono dal Dimuqraadiya, waxaana aad iyo aad ugu Mahadnaqayaa Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Ergayada ka qayb galay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye.”

Leave a Reply