Hargeysa-(Dawan)-Guddida wannaag farista iyo xummaan reebista Somaliland ayaa bogaadiyay hawl-galo ay ciidanka booliska Somliland ku soo qab-qabteen dad faafinaayay diinta Kiristanka, isla markaana waxay fariin waano ah u direen guud ahaan bulshada Somaliland.
Gudoomiyaha guud ee guddida wannaag farista iyo xummaan reebista Somaliland Sh. Muuse Jaamac Cabdi, oo u waramaayay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegay in guddida wanaag farista iyo xumaan reebistu soo dhawaynayso sidii uu dhawaan madaxweynaha Somalilanbd uga hadlay dhibaatada ay dhallinyarada dalka ku hayso isticmaalka balwadaha, kuwaas oo ay Xashiishadu ka mid tahay, waxaanu fariin waano ah u diray dhallinyarada iyo waalidiintaba.
Sidoo kale, waxa uu guddoomiayaha guddidaasi ammaan iyo bogaadin u soo jeediyey taliyeyaasha iyo ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo gacanta ku soo dhigay dad iyagu si sharci daro ah u faafinayey diinta kirsitaanka oo mamnuuc ka ah in bulshio muslimm ah lagu dhex faafiyo, isaga oo bulshada Somaliland ku booriyey in si dhaw ula shaqeeyaan ciidanka booliska si ay u gutaan waajibka qaran ee ay bulshadooda ugu adeegayaan.