Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Hawd, Axmed Ciga Yare Maxamed ayaa sheegay in faa’iido daahfurka wajiga koobaad ee jidka isku xidha magaalooyinka Baligubadle iyo Dhagax-buur uu u leeyahay bulshada labada dhinac.
Waxyaabaha uu sida gaarka u xusay ee magaalooyinka Baligubadle iyo Dhagax-buur ay ka heli doonaan furitaanka jidkani ayuu ku sheegay in ay ugu mihiimsan yihiin kor u qaadista dhanka ganacsiga, nabadgeliyada, iyo horumarka labada bulsho.
Guddoomiye Axmed Ciga Yare, waxaa uu sidan ka sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Hargeysa.
Halkan ka Daawo