Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo soo Gunaanaday Qiimeynta iyo Diwaangelinta Wajigii Koobaad ee Barnaamijka Shaqo Qaran

0
559

Hargeysa (Dawan) Hay’adda shaqaalaha Dawladda ayaa shaacisay liiska rasmiga ah ee Dufcadii kowaad ee shaqo Qaran,kuwaas oo loo qeybiyay 37 wasaarado iyo Hay’addo dawladeed isugu jira.

Hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa soo saartay liiska kama dambaysta ah ee dufcadii koobaad ee barnaamijka shaqo Qaran dhallinyaradii ku soo baxday, kuwaasi oo ka hawl galay 37 laamood oo ka tirsan waaxyaha dawladda ee kala duwan.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland mudane Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay in  ay si buuxda u xaqiijiyeen qofkasta xogtiisa iyo heerka aqoontiisa una diwaangeliyeen si dhammeystiran kun laba boqol iyo saddex dhallinyaro ah.

Agaasimaha barnaamijka shaqo Qaran, Maxamed Xuseen Cismaan Mu’adinka ayaa sheegay in dhankooda barnaamij qabyo ah u soo gudbiyeen hay’adda shaqaalaha taasi oo wakhtigu u saamixi waayay, balse hay’adda shaqaaluhu dhammeystirtay wixii hawshaasi ka dhina.

Dhanka kale waxaa uu hay’adda shaqaalaha dawladda uga mahad naqay xilka ay iska saartay dhammeystirka wixii qaybyo ka ahaa barnaamijka shaqo Qaran qaybtiisi koobaad.

Munaasibadda shaacinta dhammeystirka wajigii koobaad ee barnaamijka shaqo Qaran, oo ka qabsoontay xafiiska guddoomiyaha hay’adda waxaa ugu horeyn ka hadlay agaasimaha barnaamijka  shaqo Qaran, Maxamed Xuseen Cismaan Mu’adinka. “Waxaan aad ugu mahad naqayaa masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, maamulka guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, hawsha qiimaha leh ee ay ka qabteen dufcadii koobaad ee shaqo Qaran, oo hawl qabyo ah aanu u soo gudbinay oo markii hore aan noo  suuragelin in aanu fulino, taasi oo hannaan casriya la isticmaalayay iyada oo indhaha laga qaadayay, dhab ahaantiina noomay suuragelin in aanu kala shaandheyno wakhtigii hore si qarbo qarbo ah ayaanu ku galnay hawsha, dufcadii koobaad 2018 dabayaaqadiisi ayay ahayd, sidii ayaanay ku hawl galeen, imikana qof la tuuray ama la xumeeyay ma jiro, qof waliba wixii uu mutaystay ee ay gaadhsiisnayd aqoontiisu ayaa lagu qiimeeya ILLAAHEY-baana mahad oo dhan iska leh”

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda mudane Farxaan Aadan Haybe isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Maanta sharaf weyn ayay noo tahay in aanu soo gunaanadka hufistii, xulistii iyo xaqiijintii dhallinyarada dufcacdii koobaad ee shaqo Qaran, oo ahayd kun iyo laba boqol iyo saddex, sida agaasimaha xafiiska shaqo Qaran uu inoogu soo gudbiyay.

Kunka iyo saddexda boqolba waxaa laga qaaday indhaha si loo hubiyo in aan qof kale u gelin imtixaan, in uu isagii yahay in magaciisu sax yahay, in la sugo oo la xaqiijiyo, xogihiisa iyo aqoontiisaba, waxaa aanu kooxo u kala dirnay gobolada dalka dhammaantood waxaana hoggaaminayay agaasimaha guud,  waan u mahad celinayaa kooxaha shaqaalaha dawladda ee hawshaasi u hagar baxay.

In hay’addihii dawladda loo qaybiyay tiro sugan waxaa ay noqotay in magacooda kaadhka shaqada, ka shaqo Qaran iyo shahadadooda iyo magacooda asalka ahi kala duwan yihiin, ama in qofkaasi markii nidaamka I   T-gu soo qabtay uu noqday qof hore u ahaa shaqaale dawladeed oo hore diwaanka dawladda ugu jiray, qof waliba waxaa uu weelka ku shubtay ayaa xaqiiqadiisa la taabsiinayaa, sida ugu wanaagsan ayaanu u doonaynaa in ay nagu dhaafto oo dhallinyaradaasi shaqo u wada helaan”

Leave a Reply